Baashe Iyo Cali Yuusuf Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Isku Shaandhaynta Guddiyada La Ansixiyay

41
575

Picture6Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Cali Yuusuf Axmed, oo shalay ka maqnaa furitaankii Kalfadhiga Golaha Wakiilada oo lagu ansixiyey ajandaha Kalfadhiga iyo guddida joogtada ah ee Golahaasi, ayaa shir jaraa’id oo ay isla shalay ku qabteen xarunta Golaha Wakiilada gaashaanka ku dhuftay sharciyadda Gole-weynuhu ku ansixiyey ajandaha iyo guddida joogtada ah, waxayna ku tilmaameen inqilaab uu ku kacay Guddoomiyaha Golahaasi, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo fadhigaasi guddoominayey.

Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ku eedeeyay inuu mudanayaasha Golaha Wakiilada ku jujuubay ansixinta Ajandaha kalfadhiga oo ay sheegeen in xeer hoosaadku dhigayo in Mudanayaashu soo akhristaan muddo 24 saacadood ah, waxayna sheegeen inay Maxkamadda sare u gudbiyeen dacwad ka dhan ah isku shaandheynta guddi hoosaasyada Golaha Wakiilada, si ay u fasirto qodobbada sharci ah ee ay isku hayaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Wixii Saaka (Shalay subax) Golaha ka dhacay waxa uu ahaa wax ugub ah, isku shaandheyntii Guddoomiyuhu sameeyayna sharciga ma waafaqsanayn oo waxa diidayey xeer hoosaadka qodobkiisa 18-aad, farqaddiisa shanaad, waxaanu leeyahay guddiyada Golaha mar kaliya la iskuma shaandheyn karo, waxaanu shir-guddoon ku nahay oo Cabdiraxmaan Guddoomiye ku yahay waa sharciyadda Golaha iyo xeer hoosaadka, isku shaandheyntana waxa u xilsaaran shir-guddoonka, baryahan waxaan ka maqlayey saxaafadda marka Guddoomiyuhu maqan yahay ku xigeenadiisu waxba ma bedali karaan sida Madaxwayne ku xigeenka, wax ka jiraa ma jiraan, waayo waxa lana yidhaahdaa shir-guddoon, Guddoomiye ayuu noo yahay, Guddoomiyaha lacagta iyo jeegaga lama saxeexno, laakiin awooduhu way noo kala qaybsan yihiin, awoodaha qaar waxa leh guddoomiyaha, qaarna shir-guddoonka ayaa leh, isku shaandheynta guddiyada waxa leh shir-guddoonka oo isku dhan”

Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in Guddoomiye Cirro ka been abuurtay shir-guddoonka “Ajandaha Golaha waxa wada sameeyay Shir-guddoonka, iskumaanaan ogeyn, khilaafkii oo aanaan ka heshiin ayuu samaystay ajandahan wuxuuna ku qoray shir-guddoonka, waayo waxa uu ogyahay inaanu awood u lahayn kaligii, markaa ajandahaasi uu golaha geeyay waa qayrul sharci oo Magacii shir-guddoonka ayuu ka been abuurtay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Mida kale, xeerku wuxuu qorayaa in marka ajandaha la horgeeyo golaha in la soo akhristo muddo 24 saacadood ah, tii muu yeeline, rag buu soo urursaday, wuu majaro habaabiyey, weliba wuxuu ku soo daray ansixinta guddida joogtada ah ee la isku haystay, kuma jirto ajandaha oo isagaa jeebkiisa ka soo samaystay”

Baashe Maxamed Faarax, waxa kale oo uu sheegay “Sharciga haddii la isku qabto Maxkamadda sare ayaa fasisha, Maxkamadda sare dacwad-baanu u gudbinay oo fasiraysa in xeerkani jaban yahay iyo in kale iyo in isku shaandheyntii uu sameeyay ay baal-marsan tahay xeerka noo yaala, haddii xeerka lagu socon waayo waxa dhici doonto in xildhibaanadu soo kacaan ilayn kama xoog weynine ay fadhiistaan Kursiga” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey in xaruntii goluhu isku bedashay Xafiis xisbiga Waddani leeyahay “8 sanadood ayaanu saaxiib ahayn oo aanu wada shaqeynayey, waxaanu ku wada shaqeynaynay talo-wadaag, maxaa soo kordhay, waxa soo kordhay, Cabdiraxmaan laba xil ayuu isku hayaa oo aan is qaban karayn, wuxuu isku qaatay Guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha xisbi Mucaarad ah oo Madaxwaynenimo u tartamaya, Cabdiraxmaan golaha wuu ka sii socdaaye wuxuu doonayaa inuu Magac kaga samaysto beelo iyo dad qaadhaan u soo ururiya, Madaxtooyada iyo cid tidhi Cabdiraxmaan hala rido (Ma jirto) maxaa laga ridaaba wakhtiguba waa dhamaade..Anniguna waxaan guddoomiyenimo ku doonayaa ma jirto, hadduu manfac iyo dheef lahaana Cabdiraxmaan-baa qaatay”ayuu yidhi.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Md. Cali Yuusuf Axmed, oo isaguna shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa inqilaab ku tilmaamay ansixinta deg-degga ah ee Mudanayaashu ku meel-nariyeen ajandaha kal-fadhiga iyo Guddida joogtada ah ee Golaha “Waa shirqool uu soo abaabulay oo uu ku talo-galay, waxaanuna ka qabnaa wuxuu sharcigu ka qabo, xeer hoosaadka ayayna ku caddahay”ayuu yidhi.

 

Comments are closed.