Amiirka Kuwayt Oo $3 Milyan Ku Caawiyey Dadkii Ku Waxyeeloobay Duufaantii Jiidhay Puntland

0
555

Picture1Kuweyt (Geeska)- Wasiiru dowlaha arrimaha golaha wasiirrada ee dalka Kuweyt Sheekh Maxamed Al-Cabdallah ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay deeq lacageed oo uu Amiirka dalkaasi ugu deeqay Puntland iyo dalka Filibiin oo khasaare badani ka soo gaadhay duufaantii iyo daadadka dhacay.

Al-Cabdallah oo sidoo kale ah wasiirka caafimaadku waxa uu sheegay in uu amiirku amar ku bixiyey in caawimadan oo gurmadka deg-degga ah oo u dhiganta 3 Milyan oo doolar loo diro Puntland, isaga oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Amiirku waxa uu amar ku bixiyey in Soomaaliya loo diro caawimo gurmad degdeg ah oo u dhiganta 3 Milyan oo doolar si looga qayb qaato gargaarka khasaaraha ka dhashay duufaan iyo daadadka boqollaal qof wax yeelleeyey, tuulayaal badanna ka burburiyey woqooyiga-bari ee Soomaaliya”

Dhinaca kalana waxa uu wasiir Al-Cabdalla sheegay in uu amiirku sidoo kale ku dhawaaqay caawimo uu dalkiisu kaga qayb qaadanayo gurmadka wax lagaga qabanayo daadadkii iyo duufaantii khasaaraha weyn ka geysatay dalka Filibbiin, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Amiir Sheekh Sabaax Al-Axmed isaga oo ka duulaya dadaalka looga bartay dalka Kuweyt ee ah in uu kaalintiisa ka qaato hawlaha bani’ Aadamnimada, isla markaana u jiidh-naxaya dadka ku wax yeelloobay duufaantii burburka dhalisay ee dhowaan jiidhay dalka Filibiin oo ay ku wax yeelloobeen boqollaal dad ahi, malaayiin kalana ku baro kaceen, isla markaana uu ka dhashay khasaare moodka ahi, waxa uu amiirku amar ku bixiyey in dalka Kuweyt uu bixiyo caawimo 10 Milyan oo doolar ah oo ka mid noqda caawimada gurmadka degdegga ah ee masiibadan bani’aadamnimo”

Ugu dambayntii waxa ay masuuliyiinta dalka Kuweyt sheegeen in hay’adda bisha case e dalkaas loo xil saaray in caawimadan gaadhsiiso dadka loogu talogalay iyada oo la kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah ee arrimahani khuseeyaan, iyo wasaaradda arrimaha dibadda.