Xarunta CPA oo Hargeysa ku qabatay Kulan Lagu Falanqeeyay doorka ay haweenka ee arrimaha bulshada, siyaasada iyo dhaqaalaha

0
515

12319414_10205513398089498_618231639_nHargeysa(Geeska)-Xarunta daraasaadka iyo falanqaynta siyaasadda ee Center For policy analysis (CPA) ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay kulan lagaga hadlay doorka haweenka Somaliland ee arrimaha bulshada, siyaasdda iyo dhaqaalaha Somaliland.

Kulankaas oo habeenimadii jimcuhu soo galayay ka dhacay magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay dadweyne isugu jira masuuliyiin dawladda ka socday, ururada saxaafadda, xuquuqal insaanka, ururada haweenka iyo dhallinyaro, waxaana habeenka Kasmo-wadaag oo ah cawayso ay CPA kaga hadasho arrimo kala duwan marti ku ahaa shan haween ah oo ka mid ah  haldoorka haweenka Somaliland, waxaanay kala ahaayeen guddoomiyaha hay’adda Progressio Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi,

guddoomiyaha ururka maxaliga ah ee NAFIS Marwo Aamina-milgo Xaaji Maxamuud Warsame , xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, Kaltuun Sheekh Xasan oo ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka iyo Qani Cabdi Caalin oo ah gabadh dhallinyaro ah oo samaysay hal-abuur ganacsi, waxaanay mid waliba si gaar ah uga hadashay mawduuc loo diyaariyay oo khuseeya haweenka Somaliland, waxaanay ka sheekeeyeen taariikhda ay soo mareen haweenka Somaliland iyo halka ay mar walba kaga jireen kagana jiraan horumarka dalka haddii ay tahay qoys, siyaasad, dhaqaale, horumar iyo duruuf kasta oo soo korodha, waxaana barnaamijka daadihinaysay Farduus Siciid Dirir oo ka tirsan aasaasayaasha xarunta CPA.

12348300_10205513402649612_1622504324_n

Ugu dambayna dadweynihii ka qayb galay ayaa su’aalo iyo soo jeedimo ku soo bandhigay madashii, iyagoo ay haweenkii madasha martida ku ahaa ka jawaabeen su’aalihii ay ka qayb galayaashu weydiiyeen.