“Wax Baan Muquuninayaa Iyo Wax Baan Kala Jiidanaynaa Qaran Laguma Dhiso”

0
595

8Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aden, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay is dejiyaan oo aanay la kala safan dhinacyada isku haya khilaafka xisbiga KULMIYE. Md. Saleban iyo ergada kale ee guurtida ah ee ku hawlan dejinta khilaafkaas, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xarunta golaha guurtida, ayaa sheegay inay dhinaca guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ku wareejiyaan taladda islamarkaana ay dhinaca kalena dedaal ugu jiraan sidii ay u qancin lahaayeen.  “waxyaabalah dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay xiisada magaalada iyo dalkaba geliyay tafaraaruqa keenay ayaan u qabtay shirka jaraa’id, inaynaan umad hadaynu nahay marka ugu horaysa, xisbibaa laba dhinac isu qabtay, labadoodu haku murmeen hadday murmayaan, laakiin inteena kale inaynu dhex ka nahay, dalkana la dejiyo, qaraxyaanu maqlaynaa, dalkii in la dejiyo dhinacna la raacin, guul waa la gaadhayaa iyo nabad, awalba tan oo kale way ina soo mari jirtay, wanaag iyo wada hadal ayaynu ku dhammayn jirnay,  tii tii baynu wadnaaye samirkeeda nala yeesha.” Ayuu yidhi guddoomiyaha guurtidu, waxaanu sheegay inay arrimuhu meel wanaagsan u marayaan “Meel wanaagsana way noo marayaan, qolana waa taas aanu shalayto sheegnay ee tidhi waanu idinku wareejinay hawshaas, wixii aad ku talisaana waanu qaadanaynaa, qoladii kalena weli waanu wada wadnaa.”

Guddoomiye Saleban, wuxuu tilmaamay inaan dalna lagu dhisi karin muquunin iyo kala jiidasho, “Meeshii dhibaato timaado annagu dadweyna ma xukuno, si loo galaba la waayi maayo, waxa waajibku yahay waar ciddii maanta dab hurin lahayday ha hurin, maanta maaha maalinteedii, qaran kuma dhismo, wax baan muquuninayaa iyo waxbaanu kala jiidanaynaa, qaran wuxuu ku dhismaa inay dhan wax u wada celiyaan, ilko wada jir bay wax ku gooyaan, dhan qudhi wax ma taro.” Ayuu yidhi guddoomiyaha guurtidu.