Hargeysa (Geeska)- Cilmi baadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in habka ay inta badan waalidiinta dunida maantu u maraan edbinta ilmaha iyo in waxa xun laga reebo oo ah garaacis ay tahay hab ku fashilmay in ilmuhu uu ka joogsado shayga loo diidayo. Tijaabo ay sameeyeen xeel-dheerayaasha daraasadani waxa ay iftiimisay in ilmaha shay qaldan sameeya, ee waalidkii gacanta u dedejiyaa ay inta badan dhacdo in boqolkiiba 75 ka mid ahi ay toban daqiiqo intii aan laga soo wareegin uu mar kale ku noqonayo isla ficilkii, isaga oo weliba illowsan in had lagu garaacayey ficilkaas, taas oo ah astaan muujinaysa in garaacista iyo ciqaabtu aanay ahayn xalka lagu sixi karo qaladka ilmaha . Waxaa iyaduna taas ka sii khatarsan in garaacistaas iyo qaylada badaniba ay ilmaha ku beeraan sakati iyo cabsi iyo xanuuno nafis ahi. Waxa aanay saamayn taban ku yeelataa shakhsiaddiisa iyo in uu waayo kalsoonidii uu naftiisa iyo waalidkii ku qabay. Dr. Holdon oo ka mid ahaa raggii darraasaddan sameeyey ayaa sheegay in ciqaabta xoogga ah ay ilmaha ku keento dhibaatooyin cafimaad darro jidheed ama mid nafsi ah, isla markaana ka dhigaan qof qallafsan oo leh dabeecado cadaawadeed.
Drs. Darsia Narvis oo cilmi nafsiga ka dhigta jaamacadda Notardam ayaa iyaduna sheegtay in ciqaabta jidheed ay ka dhigan tahay ilmihii oo loo sheegay in ficilkaas ama hadalkaasi qalad yahay, balse aan loo raacin beddelka ugu fiican ee uu ilmuhu ku beddelan karo ficilkaas laga joojiyey, taasina ay tahay sababta keenaysa in ilmuhu marar kale oo dambe isla ficilkii lagu ciqaabay ku noqdo. Drs. Narvis oo arrintaas sii faahfaahinaysay ayaa sheegtay in garaacistu waalidku ay disho kalsoonida uu ilmuhu ku qabo waalidkii, aakhirkana ku keento aaminsanaan ah in uu u baahan yahay inuu samaysto difaac iyo gabbood garaacista waalidka ka dhowrta, waxaa xumaada bulsho dhex-galkiisa iyo xidhiidhkiisa bulshada waxaana ku dhaca shaki gaadhaya illaa heer uu wax-iska-weydiiyo ficilka qof kastaa uu samaynayo. Cilmi baadhis ay hore u samaysay jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka ayaa iyadana lagu ogaaday in hab-dhaqanka cadaawadda iyo naxariis darrada leh ee ay waalidiinta qaar kula macaamilaan ubadkoodu uu sabab u noqdo in ilmuhu ku kaco jawaab celino cadaawadi ka muuqato oo uu doonayo in uu iskaga caabbiyo xanuunka dhirbaaxada ama usha iwm waalidka. Cilmi baadhis kale oo ay hore u samaysay jaamacadda Columbia ee magaalada New York ayaa iyaduna daahfurtay in carruurta ay waalidkood caadaystaan in ay dhirbaaxaan iyaga oo shan jir iyo ka weyn ah ay ku beeranto cadaawad iyo in ay ka dhacaan ama ka hor yimaaddaan talooyinka waxbarasho ee dugsiga marka uu bilaabo, sidoo kale waxaa si aad ah hoos ugu dhaca kartidooda dhinaca luuqadda oo ay dhibco hoose ka helaan.