Tilmaamaha Ninka Dunida Qaniga Ah Ka Soo Jeedaa Uu Ku Doorto Gabadha Iyo Sifooyinka Ninka Faqiirka Ahi Eego

0
667

Helsinki  (Geeska)- Sahamin muddo socotay oo ay khubarada cilmiga bulshada ee Finland ku ogaanayeen xidhiidhka ka dhaxayn kara dabaqadaha nolosha ee dunida iyo jacaylka ayaa ku soo dhammaatay natiijo xiise badan oo sheegaya in ragga u dhashay kuna dhaqan dalalka qaniga ah ee dunidu ay yihiin kuwa ugu badan ee daneeya in gabadha ay xidhiidhka guur/jacayl la wadaagayaan ay yeelato muuqaalka dheddignimo ee soo-jireenka ahaa (Hiddaha iyo dhaqanka ahaa) iyo quruxdii dabiiciga ahayd ee aan bani’aadamku faro-farayn, kuwaas oo ay ugu horreyso in ay labada indhood waaweynaadaan iyo dibnuhuna buurnaadaa. Kooxda baadhitaankan caalamiga ah samaysay oo ka tirsanayd jaamacadda Finland waxa ay doonayeen in ay ka jawaabaan su’aasha ah, “Ma jiraa hal-beeg lagu qiyaaso quruxdu?” Waxaana u soo baxday natiijo ah in inta badan ee ragga dunida ladnani ay aad u daneeyaan dumarka wejigooda si dhib yar looga daalacan dhedignimada, iyo muuqaalka dabiiciga ah iyo weliba in ay isaga ku tiirsanaan doonto nolosheedu.

Laakiin isla daraasaddan ayaa lagu ogaaday in ragga ku dhaqan dalalka dhaqaale ahaan hooseeyaa in ay mar kasta doorbidaan gabadha leh astaamaha lagu tilmaami karo astaamo labnimo, waxa aanay arrintaas la xidhiidhiyeen shucuur ninka dunidan faqiirka ah ku nool oo ah in uu u baahan yahay gabadh ragannimo badan iyo ad-adayg ku jiro, taas oo uu aaminsan yahay in ay leedahay awood iyo karti uu gaashaan ka dhigan karo marka ay jiraan duruufaha dhaqaale oo adagi.