ICTIRAAF – Raadinta Wax Aan La Garaneyn: W/Q Maxamed Cali Bile —Qeybtii 5aad

0
595

Picture1Waxey aheyd reer galbeedka oo doonayey iney Russia baalasha ka rifaan oo ay hareereeyaan ayaa waxey arkeen in Serbia ay taageersantahay Ruushka oo ay ku gudboontahay. Si Serbia loo karbaasho oo looga gooyo Bosnia ayuu Clinton amray in 45 maamlmood ay diyaaraduhu garaacaan Serbia ilaa ay ka ogolaaneyso iney saxeexdo nabad iyo Bosnia oo go’da. Kosovo lafteeda reer galbeedku dan taa la mida ayay u aqoonsadeen iney dawlad madax banaan tahay ee mey aheyn iney ka naxeen.

Dinaca kale reer galbeedku waxa ay ku dirqiyeen in East Timore ka go’do Indonesia inteeda kale. Maaha naxariis ay u hayeen dadka reer Timore ee waa iyaga oo u arkey iney Indonesia tahay dawlad muslim ah oo isu soo taagtey reer galbeedka. Sudan la mid. Koonfurta iyo iney inta kale go’aan waa barnamij beri hore la dejiyey. Haddii umad halgantey la oqoonsanayo waxa la aqoonsan lahaa umadda Saxahara Galbeed oo 70 sanadood dagaal kula jirey Morocco oo weliba dalkooda qabsadey. Cidi dheg uumay dhigin, sababta oo ah, waxbaaney iibineyn, dan lagu ictiraafo ma hayaan. Waxan oo araar ah waxa an ku iftiimanayaa si aanad uugu khatalmin hadalada madhan ee buugaagta aduunka ku qoran. Haddii arin dan iskugu soo biyo shubtey, isweydii Soomaaliland yaa dan kale yeyse dan ka leedahay?  Jabuuti iyo Itoobiya waa labada dal ee Soomaaliland uugu dhow dawladaha adduunka. Jaarnimada ka sakow, waxa labadaa dawladood iyo Soomaaliland ka dhexeeya iskaashi siyaasadeed dhaqaale iyo bulsho. Jabuuti iyo Soomaaliland umad ahaan waa isku isir, waa isku dhaqan waana isku dad. Umadaha labada dal si dhib yar u kala saari kali meysid. Itoobiya iyo Jabuuti labada dalba waxa ay faa’iido weyn ku qabeen maamulka Somaliland ka jirey 23 sanadood ee ina soo dhafey.  Mudadii 23 sanadood aheyd ee qalalaasuhu ka jirey Somaliya, Itoobiya waxa ay gelisey Soomaaliya dhaqaale iyo xoog aan xad laheyn oo ay kaga hortageyso in Soomaaliya ay ka soo baxaan kooxo ka soo horjeeda Itoobiya. Waxa ay u dirtey ciidamo badan, qalab iyo dhaqaale. Marka laga reebo dagaalkii Eriteria, Soomaaliya waa meesha ay Itoobiya ku bixisay addunkii u badnaa. Ka sakow dhaqaalaha, Itoobiya waxa ay gelisey Muqdisho mal gelin ay dib uugu dhiseyso safaaradeedii iyo mukhaabaraadkeedka. Sidaasooy tahay, Itoobiya iyo Soomaaliya wax ganacsi ihi kama dhexeeyo oo dhaqaale ma soo kala galo, dadkoodana isu socodkooduna ma badnaa. 23 kaa sanadood ee ay Soomaaliland jirtey, waxa ay sugtey xuduudeeda ay la leedahay Itoobiya iyo Jabuuti, waxaana ay diidey in cid labadaa dawladood lidi ku ihi ay ama kaga soo duusho ama iska soo abaabusho Soomaaliland gudaheeda. Waxa kaloo ay Soomaaliland is hortaagtey iney magangelyo siiso cid siyaasad ahaan ka soo horjeedda labadaa dal. Cid kasta oo lagu tuhmo iney Itoobiya ka soo horjeedan ama ay itoobiya tidhaa wey naga soo horjeedaan, waa la xidhi jirey, waxaana gacanta looga gelin jirey dawladda itoobiya, xataa hadey yihiin muwaadiniin Soomaaliland u dhashey. Taasi waxa ay keentey iney dhinacyada ka soo horjeeda Itoobiya ee ay ka midyihiin ONLF ay colaad u qaadaan Soomaaliland iyaga oo u arkey iney Soomaaliland oo umad Soomaaliyeed ihi uuga hiilisey Itoobiya ay tahayna godob weyn oo laga galey dad Soomaaliyeed.

Ka sakow taas, Soomaaliland waxa ay itoobiya la leedahay ganacsi balaadhan oo waxa la is barbar dhigaa in Soomaaliland iyo Jabuuti ay yihiin labada dawladood ee uugu weyn ee dhaqaalaha ganacsi ka soo galo Itoobiya, marka laga reebo Bunka ay caalamka u dhoofiyaan. Dadka dhaqaalaha aqoonta u lihi waxa ay ku qiyaaseen in Soomaaliland ay itoobiya ka iibsato jaad qiimihiisu kor u dhaafayo 700 oo malyuun oo doolar sanadkii, halka aaney Soomaaliya ka iibsan hal doolar oo jaad ah. Wey dhici kartaa in dad yidhaahdaan intaa ma gadho oo wey ka yartahay, waaney dhici kartaa. Balse, ma wax jaad ka weyn oo umadeenu yar iyo weyn u shaqeysataa jiraa. Ma qof waalan oo aanu jaad ama wax la xidhiidha waalin ayaa jira. Dadka in yar mooyane waxa loo shaqeeyaa Itoobiya iyo beeraleydeeda.

OO markaa haddii Soomaaliland waxaas oo xoolo ah ay geliso Itoobiya oo ay intaasi dheertahay in dawladdii Soomaalilandna sugtey nebedgalyadii itoobiya, maxey tahay abaalka ay itoobiya gashaneyso ama gashatey Soomaaliland? Sidoo kale, Jabuuti waxa ay heshay nabad ka timid in Soomaaliland kaga gudboonaato dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Haddii inuun ay dhaceyso in dawladi aqoonsato Soomaaliland, waxa ay aheyd iney noqoto Jabuuti iyo Itoobiya. Sanadihii sagaashanaadkii ayaa madaxweynihii Soomaaliland, Mohamed Ibrahim Egal (AHU) yidhi  “Itoobiya waanu wada hadalney, waxaney tidhi, waan jecelnahay inaan Soomaaliland ictiraafno, balse ma dooneyno inaan noqonno dawladda u horeysa ee ictiraafta. Markaa haddii dawlad kale idin ictriaafto, anana waan idin ictiraafeynaa!

Waa sheekooyinka maqal jirta loogu sheekeeyo. Ma Itoobiya oo xidhiidhka intaa leegi Soomaaliland ka dhexeeyo oo waxaas oo abaal ah loo galey galey haddii aaney aqoonsan, ma Zambia oo aaney waxba wadaagin ayaa aqoonsan, mise Poland ayaa aqoonsan mise shiinahaa aqoonsan, tolow mise Venezuela ayaa aqoonsan. Taa macneheedu waxa weeye “idin aqoonsan meyno” oo si dadban loo yidhi.  La Soco cadadka dambe

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha bileaqoontaiyonolosha@gmail.com