Maamulka Puntland Oo Lugaha La Galay Duufaano Siyaasadeed Iyo Walaaca Ka Jira

0
1042

Picture3Garowe(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland ayaa u muuqda inuu lugaha la sii galayo khilaafyo laga cabsi qabo inay dhaawacaan ammaanka aan cagaha adag ku taagnayn ee ay haystaan, ka dib markii ay soo dhawaatay doorashada madaxweynaha ee deeganadaas oo ah mid ay Baarlamaan beeleedku doranayaan.

Doroshada ayaa qoondaysan inay qabsoonto 8 January 2014, waxaana ku loolamaya murashixiin tiro badan oo u ordaya madaxweynaha iyo ku xigeenada, waxaana ragga sida adag u baratamaya ka mid ah Madaxweynaha maamulkaas Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Siyaasiyiinta ayaa isweydaarsanaya hadalo qalafsan oo mararka qaar ay colaadi ka muuqato. Ilaalada madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa Axadii rasaaseeyay mid ka mid ah murashixiinta oo ay ku eedeeyeen inuu ciidamo gaar ah la soo galay magaalada Garowe.

Arrimahani waxay sababeen in laga walaaco ammaanka Puntland doorashada ka dib, marka la eego hadalada qalafsan ee murashixiinta. Ergayga qaramada midoobay u qaabilan Somaliya Mr. Nicholas Kay ayaa isaga laftiisu walaacaas qaba. Warsaxaafadeed uu shalay ka soo saaray Muqdisho wuxuu ku muujiyay inay xaaladu sii kululaanayso, “Iyadoo ay doorashu soo dhowaanayso, murankan siyaasadeedna uu noqonayo mid sidii hore ka sii kulul, waxaan ugu baaqayaa dhammaan musharaxiinta iyo dadka ay arrintu khuseyso, gaar ahaan odey dhaqameedyada soo jireenka ah, inay wada shaqeeyaan diyaarna u ahaadaan in mararka qaarkood ay isu tanaasulaan oo meel dhexe isugu yimaadaan, haba ku adkaatee,” ayuu yidhi ergaygu.

Maamulka puntland ayaa hore ugu guuldaraystay in laga hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanay dib ugu noqonayaan nidaamka ay Baarlamaanka ay beeluhu soo doorteen ay dooran doonaan madaxweynaha iyo ku xigeenka.

Si kastaba ha ahaate daneyayaasha gobalka ayaa si dhow ula socda xaaladaha siyaasadeed ee deegaanadaas ruxaya, waxaana loo dheg taagayaa sida ay xaaladu noqon doonto 8 January ka dib.