Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Xulalka Hargeysa Iyo Gabiley

0
632

Hargeysa(Geeska)-Madaxweye Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa aqalka madaxtooyada ku qaabilay  kooxda kubada cagta ee gobalka Maroodijeex oo ku guulaystay koobkii kubada cagta iyo kooxda gobalka Gabiilay oo ku guulaystay koobkii kubada baasidka ee gobalada Somalilad.

Madaxweynuu waxa uu talooyin badan u soo jeediyay dhalinyarada Somaliland gaar ahaan bahda ciyaaraha,waxaanu sida oo kale uu ka hadlay muhiimada ay u qabteen ciyaaraha gobalada iyo aafada tahriibka ee dalka saameeyay.

 Madaxweye Axmed Maxamed Siilaanyo  waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Waxa Farxad weyn ii ah inaan halkan Madaxtooyadda kula kulmo dhalinyaradii ciyaarihii goboladda ka qeyb galay ee ku guulaysatay, Xulka Maroodijeex oo ku guulaystay koobkii kubadda cagta iyo xulka Gabiley oo ku guulaystay koobkii kubadda kollayga ee tartanka goboladda.Ciyaaraha Markaynu ciyaarayno waxay qaranka u leeyihiin magac iyo maamuus, Dunidda oo dhan ayaa laga daawadaa oo laga dhegaystaa,bulshadeena isku xidhkeeda, is dhex galkeeda iyo waddaniyada qeyb ka mid ah weeye ee Ciyaaraha looguma tallo-gelin inay noqoto  meel lagu coloobo iyo meel la iskaga hor yimaado inay. Waxa loogu tallo galay inay noqoto meel dhalinyaradu isku barato oo isku dhex gasho oo ay noqdaan meel ay ku farxaan oo ku ciyaaraan.”

Madaxweynuhu waxa uu tallooyin u soo jeediyay ciyaartoyga dalka, waxaanu yidhi “Waxaan doonaynaa ciyaartoy ka qeyb gasha ciyaaraha adduunka oo magac iyo maamuusba ku yeesha inaanu soo saarno ayaanu doonaynaa. Ugu maynaan tallo gelin dhalinyaro magaalo ka timi inay iyagu is qabsadaan oo is dilaan, macnaha ciyaaruhu kaas ma’aha.”

Ugu danbayntii waxa uu madaxweynuu hadalkiisa ku soo gunaanday sidan “ Waa waxii ay dhalinyaradu ku hiran lahaayeen (Ciyaarahu ) intay dhoofayaan ee ay meelo kale ku hiranayaan ee ku baaba’ayaan ee ku darxumoonayaan inay u soo jeestaan ciyaarahooda,dhismaha jidhkooda,maskaxdooda  iyo dad nimadooda maantana waxaan aad iyo aad ugu hanbal yaynayaa Gobalka Maroodi-jeex oo kubadii cagta ku guulaysatay iyo Gabiilay oo baasidkii ku guuulaysatay iyo intii kale ee ka qabgashayba.”