Siyaabo Kala Duwan Oo Ay Sigaar Nuugistu U Dhaawacdo Caafimaadka Maskaxda Qofka Qabatima

21
2873

Lodnon (Geeska)- Saynisyahanno Jarmal ah ayaa sheegay shan qodob oo xaqiijinaya xidhiidhka ka dhexeeya caafimaadka maskaxda iyo sigaar nuugista. Arrintan oo muhiim u ah qof kasta oo sigaarka nuuga ama qof nuugaa la rafiiq yahay ayaa uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay:

Nicotine waxa ay muudsataa qaabileyaasha maskaxda: Maadadda Neoctine ee ku jirta sigaarku waxa ay hawlgelisaa maskaxda qaybteeda ka qaybqaadata abuurista dareenka ku dhiirrashada iyo in qofku uu nafis dareemo. Sidaa awgeed marka uu qofku qabatimo maadadda Nicotine waxaa ku adkaada in uu iska daayo sigaarka ama shayga kale ee uu ka helayo maadaddan, sababtuna waa isaga oo doonaya in uu helo shucuurtii xasiloonida iyo deggenaanshiyaha badnayd ee uu heli jiray marka ay Nicotine jidhkiisa gasho.

Haddii ay maadaddani ka maqnaato jidhka qofka la qabsaday waxa uu dareemaa kacsanaan badan, cadho iyo warwar aanu garanayn sababtiisa. Arrimahaas waxa ay marag u yihiin in sigaarka iyo shay kasta oo maadaddan lihi uu saamayn ku leeyahay maskaxda.

Sigaar nuugista badan waxa ay daciifisaa aadna u yaraysaa maskaxda: Sigaarka cabbista badani waxa ay hoos u dhac weyn ku keentaa awoodda garasho ee qofka. Raadka sigaarku sannado badan ayaa uu jidhka qofka ku sii jiraa, iyada oo uu iska joojiyey sigaarka. Waana sababta ay dadka sigaarka badan nuugaa ay inta badan halis ugu yihiin xanuunnada maskaxda dila. Waxaa ugu horreeyo asaasaqa da’da ku yimaadda, oo boqolkiiba 79 lagu arko dadka sigaar cabbista ku ba’an. Waxa kale oo sigaar-nuugaha lagu yaqaannaa hurdo xumo, marka uu hurdo oo naqasku qabto, ama marar uu joogsado, isaga oo aan dareemayn laakiin keliya sida ruux sasay boodaya, xaaladdan naqaska ayaa iyaduna sii kordhisa khatarta ah in qofka uu asaasaq ku dhaco.

Sigaar nuugistu waxa ay hoos u dhigtaa garaadka: Sigaar nuugistu waxa ay raad taban ku yeelataa barootiinga cas ee Himogaloobiinta dhiigga ‘Hemoglobin’ taas oo sababta in maskaxdu garaad ahaan hoos u dhacdo, calaamadaha lagu gartana ay ka mid tahay hoos u dhac ku yimaadda awooddii ay maskaxdu u lahayd lafagurka iyo xallinta dhibaatooyinka shaqada iyo nolol maalmeedka guud ahaan ku lammaan.

Dhugmada qofka oo hoos u dhacda: Dadka sigaarka nuuga waxaa lagu yaqaannaa hoos u dhac ku yimaadda neefta ogsajiinta ee maskaxdooda gaadhaysa. Hoos u dhacaas ayaana sababa in qofka sigaarka nuugaa uu mar kasta dareemo daal iyo burbur jidheed. Waxa kale oo uu hoos u dhacaas neefta maskaxda gaadhaysaa sababaa in ay yaraato awooddii fiirsasho iyo dhugmadii ay maskaxdu lahayd.

Sigaar nuugeyaashu waxa ay khatar u yihiin dhiig maskaxda ku furma: Nicotine marka ay dhiigga raacdo waxa ay keentaa in dhiiggu uu cufmo, taasina waxa ay kordhisaa suurtagalnimada in xabuub yaryar ku samaysmo halbawlayaasha dhiigga gaadhsiiya maskaxda, taas oo keenaysa suurtagalnimada in maskaxda uu dhiiggu ka xidhmo, waxa aanay keenaysaa falaag iyo dhimasho kedis ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here