GUUGUULE IYO MAANTA

34
3214

Muuse iyo Siilaanyo oo talada isaga dambeeyay laba hal ayay ku kala duwanyihiin kuna kala wanaagsanyihiin. Siilaanyo; Alle ayaa ina dilayee xukuumadiisii u horaysay ee uu soo dhisay way ka tayo wanaagsanayd xukuumadda uu mujaahidku maanta soo dhisay oo waa la ogaa sidii ay kor ugu qaaday rajadii shacabka, maantana sawirka ay leedahay xukuumadii u horaysay ee Muuse waa la wada arkaa. Laakiin Muusena wuxuu Siilaanyo kaga wanaagsanyahay wuxuu danihiisa gaarka ah ka horumariyaa danaha guud ee qaranka, tusaalena waxa inoogu filan imisa jeer ayuu Siilaanyo safaro ku tagay dalka UAE oo uu kala soo noqday hadal iyo faro-madhan laakiin la aaminsanyahay in dano gaar ah loo fuliyay oo guriga uu ka degenyahay UAE ku jiro.   Muuse maanta sida la sheegayo dano badan oo qaran ayuu ula tagay UAE wixii uga qabsoomana waynu arki doonaa laakiin durba waxa la soo sheegayaa warar rajo wanaagsan leh. Maanta labadaas hal iga qabta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here