Gabiley: Xaflad Balaadhan Oo Loo Qabtey Orodyahanka Mo Faarax Iyo Walaalihii Oo Ka Soo Qayb Galey

0
454

 

gabileyGabiley(Geeska)-Xaflad balaadhan oo lagu taageerayay Orodyahanka caanka ah Moi Faarax oo ay ka soo qeyb galeen wallaalihii iyo qoyskooda iyo Dadweyne aad u tiro-badan oo ka mid ah Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Gabiley, ayaa lagu qabtey Hoolka D/hoose ee Degmada Gabiley.

 

Xafladan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay islamarkaana,ay ka soo qeyb galeen Maamulka Heer Degmo iyo heer Gobol ee  Gobolka Gabiley oo ay kamid ahaayeen Maayarka Degmada Gabiley
Axmed Muxumed Qaalib(Axmed-Samir), Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Gabiley, Cali Cabdi C/laahi (Cali-Case), Xoghayaha D/hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor, Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Muxumed Geele Seed iyo Maxamed Cumar warsame, Mustafe Saleebaan oo katirsan Hay'adda Maxaliga ah ee Havayoco, Xasan Mataan oo ah Moi Faarax Walaalkii iyo xubno kale oo kamid ah qoyskooda iyo waliba dadweyne aad u tira badan.
Munaasibadan loogu dabaal dagayey Guusha uu Moi Faarax ka gaadhay Tartankii Orodada ee Olambikada waxa ugu horreyn hadal ka jeediyay. Gudoomiye/Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi(Cali-Case) oo sheegay in ay farxad wayn u tahay ka Gobol Gabiley ahaan guusha uu Mo Faarax ka soo hooyey Tartanka Orodada ee lagu qabtay Dalka Ingiriiska, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa: "Faraxd weyn bay inoo tahey caawa maadaama aynu hambalyeyneyno Walaalkeen Moi Faarax oo ka dhashey Gobolka Gabiley, maan daawan tartankii hore ee tobanka kun Mitir oo waxaan ku maqnaa Safar laakiin tartankii dambe ayaan si fiican u daawanayay oo waxaan gaadhey qiiro awgeed in aan anoo gurguuranaya hoos tago shaashada waxaan ilaahay uga baryayaa in uu illaahay guulo badan oo kale gaadhsiiyo". Ayuu yidhi Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali Case. Waxaanu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa in aanu ilaawin Gobolka uu kasoo jeedo ee Gabiley iyo Somalilandba maadaama uu caruurta Afrika caawinayo. Waxa kale oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay Maayarka Degmada Gabiley Axmed Muxumed Qaalib(Axmed-Samir) oo isaguna sheegay in Guusha uu gaadhay Moi Faarax ay ka turjumayso in Sanadkani uu yahay Sanad u qaaliban, waxaanu ugu baaqay dhallinyarada reer Gabiley inay ku daydaan Orodyahanka.

Waxakale oo iyaguna Munaasibadaasi hadal ka jeediyay Xildhibaan Boqor Muxumed Geele Seed Xoghayaha D/hoose C/raxmaan Nuur Abokor oo furey Munaasibadaasi. Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan iyo Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame iyo Mustafe Saleebaan oo ka socdey Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco kuwaas dham'aantood Hadallo Hamablyo iyo Soo dhaweyn ah u jeediyay Guusha uu ku guuleystey Tartankii orodka ee Ciyaaraha Olyambikada Aduunka waxaanay Qaarkood xuseen In Moi Faarax Bisha Disember ee Isla sanadkan uu iman doono Dalka.

Xasan Mataan oo ah Moi Faarax Walaalkii, isla markaana ah Mataankiisa oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa si wayn ugu mahad celiyey ka soo qayb galayaashii Munaasibadani, waxaanu xusay in Guusha uu wallaalkii gaadhay ay tahay mid ay dhamaantood gaadheen, isla markaana ay tahay Farxad u soo wada hoyatay.