Gabadh Hore U Saadaalisay In Fayras Khatar Ahi Ku Dhici Doono Trump Iyo Sida uu Xaalkiisu Noqon Doono

0
954

Xidigiso u dhalatay Bulgaariya oo geeriyootay ayaa hore u saadaalisay in Fayras khatar ahi ku dhici doono madaxweynaha Shan iyo Afartanaad ee Maraykanka oo noqday madaxweynaha hadda Donald Trump.

Faalisadan oo lagu magacaabi jiray Vanga waxa ay ku andacootay in madaxweynahaasi uu muddo dheer u xanuunsan doono Fayraskaas oo ay sheegtay in uu khatar yahay.

Vanga oo 85 sano jir ku dhimatay waxa ay leedahay saadaalo badan oo la xidhiidha sannadkan aynu ku jirno ee 2020 ka. Waxaana ka mid ah tan ay ku sheegayso in madaxweynaha 45-naad ee Maraykanka uu ku dhici doono xanuun dunida ku cusubi. Xanuunaas oo ay sheegtay in uu madaxweynaha Maraykanka kaga tegi doono xaalado ay ka mid yihiin dhego beel, xanuun ah dhawaaq ama siidhi dhegihiisa uu ka maqlayo, iyo buro kansar oo maskaxda ah.

Sida uu ku warramay wargeyska ‘The Sun’ faalisadan geeriyootay 23 sano ka hor, waxaa ay hore u saadaalisay in Ingiriisku uu ka bixi doono midowga Yurub, weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11-kii Sabtembar iyo duufaantii (Sunaami) burburka weyn gaadhsiisay dalka Thailand. Waxa kale oo ay ku andacootay in nolosha adduunyadu ay dhammaan doonto sannadka 5079 ka.

Faalisadan carruurnimadeedii waxaa ku dhacay indho la’aan ay sababteeda lahayd duufaan ciid wadatay oo ka kacday meel ku dhow beerta qoyskooda, illaa geerideediina sidaas ayaa uu aragga uga maqnaa.

Vanga inkasta oo ay indha la’ayd haddana waxa ay si fiican ula socotay xaaladaha adduunka ka dhacayey xiligeedii, kuwaas oo ay faham dheeraad ah u lahayd marar badanna saadaalisay sida ay ku dambaynayaan.

Baba Vanga oo macnaheedu yahay ‘Ayeeyo Vanga’ waxa uu magaceeda dhamaystirani ahaa Vangeliya Pandeva, Sannadkii 1996 kii ayaa ay ku dhalatay Magaalada Strumica oo markaas ka mid ahayd dhulkii ay ka talin jirtay dawladdii Cusmaaniyiintu, laakiin imika ka tirsan gobalka Macedonia, iyada oo faalkeeda awgii magac weyn ku leh adduunka oo dhan ayaanay sannadkii 1996 kii da’da 85 sano jirka ku geeriyootay magaalada Petrich ee dalka Bulgaria.

Waxyaabaha ugu caansanaa faalka gabadhan waxaa ka mid ah:

  1. In Carabtu ay furfurmi doonto.
  2. Qaraxa warshaddii Nukliyeerka ee Chernobyl oo ku taallay magaalada Pripyat ee woqooyiga Ukraine oo qaraxaas 27-kii Abriil 1986 awgii dadka looga daad gureeyey si rasmi ahna loo xidhay.
  3. Waxa ay hore u saadaalisay in laba walaalo Maraykana ah ay shimbiro bir ka samaysani weerari doonaan. Taas oo loo fasirtay weerarkii 11-sabtembar diyaaradaha lagu dhuftay dariihii mataanaha loo yaqaannay ee Maraykanka.
  4. Arrimaha yaabka leh laakiin aan rumoobin ama ugu yaraan aan dhammaanteed run wada noqon waxaa ka mid ahaa saadaal ay ku sheegtay in adduunyada ay ka dhici doonto dhibaato xun oo dhaqaale, hal sano kaddib oo ah sannadka 2011 kana uu qarxi doono dagaalweyne Saddexaad. Iyada oo sheegtay in sababta dagaalkaasi ay noqon doonto, isku day la doonayo in lagu dilo afar madaxweyne oo dunida ka taliya.
  5. Si kastaba ha ahaato ee sumcadda gabadhani waxa ay aad hoos ugu dhacday, warbaahinta badankeeduna hadal haynteeda joojisay markii xilligii uu xukunka Maraykanka hayey George Bush kii weynaa auy sheegtay in uu Aqalka Cad iman doono madaxweyne madow ah, taas oo ay dadku been arkeen kaddib markii madaxweynihii Bush xigay uu Noqday Bill Clinton, kaddibna uu ku xigay madaxweyne Bush kii yaraa, laakiin 12 sano kaddib geerideedii ayaa ay mar labaad hadal haynteedii soo noqotay, kaddib markii uu dalka Maraykanka madaxweyne ka noqday Barak Obama oo madow ahaa