“Muuse Kursiga Uu Ku Fadhiyo Ayaanu Isku Haysanaa, Haddaan Markii Hore Ka Dhacsan Kari Waayay, Waxaan Rabaa Inaan Hadda Ka Dhacsado”

0
662

Sweden (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo safar ku jooga dalka Dibeddiisa ayaa ka hadlay tartanka ka dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyadda doorashooyinku u leeyihiin Somaliland, Midnimada Shacabku leedahay iyo Arrimo kale oo khuseeya Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo dhawaan dalka ka bilaabmi doonta.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey Munaasibad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay ayaa ugu horrayn Qurbe-joogta ugu baaqay Midnimo “Jaaliyad Somaliland ahaan midnimadiinu waa muhiim, Axsaab baynu nahay oo waynu qaybsanaanaynaa, Axsaabtuna waa Dastuuri oo Hay’ado jira, waana in awoodda dalka hadba lagu cusboonaysiiyo.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaanu jirin dagaal aan ka ahayn ka lagu kala riixanayo Kursiga Madaxweyne-nimo ee dalka ugu sarreeya, kaasi oo uu sheegay inuu rejaynayo inuu ka riixdo Madaxweyne Muuse Biixi, marka la gaadho doorashada Madaxtooyada “Dagaal kale ma jiro, laakiin awooddaa lagu tartamayaa, Muuse Kursiga uu ku fadhiyo ayaanu isku haysanaa, Aniga iyo Muuse Kursiga ayaanu isku haysanaa, Markii hore haddaan ka dhacsan kari waayay, waxaan rabaa inaan hadda ka dhacsado oo aan Taageeradiina kaga dhacsado.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaan guusha uu WADDANI doonayo inuu ka gaadho Doorashada u qaadanayn Qoryo “Inagu qoryo ma qaadanayno, Hanaan Dimuqraadi ah ayaynu ku saarnay, Dadkana waa la kala riixanayaa, xisbiga Waddani-na Rejo badan buu qabaa, awooddiisii berigii dhawayd inuu mid ka badan helo ayaanu rajeynaynaa.”ayuu yidhi.