Gaadhi Curyaan Awood U Leh In Uu Dadka Naafadaha Ah U Fududeeyo Hawlo Badan Oo Hadda Dhib Ku Ah

0
709

Zurich (Geeska)- Mar kasta oo uu cilmiga tiknoolajiyaddu sii kordho waxaa dunida ku soo kordha qalab adeegyo cusub oo aan hore u jirin qaybaha kala duwan ee dadka u fududeeya. Markanna waxa uu cilmigu soo kordhiyey gaadhi curyaan isagu is wadaya oo curyaanka u fududaynaya hawlo ay ka mid tahay in uu jaran-jarrooyinka dhaadheer kori karo, isaga oo aanu qofka saaran dheelli ku iman.

Gaadhi-curyaankan cusub oo lagu magacaabo Scewa ayaa sida uu ku warramayo wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku, waxa uu qofka saaran awood u siinayaa in uu kursigan ku maamulo ul ah nooca loo yaqaanno ‘Joystick’ sidoo kale waxa uu qofku kursiga ku maamuli karaa in uu miisaanka jidhkiisa dhaqaajiyo oo tusaale ahaan hadba dhanka uu u leexinayo uu isu badiyo.

Scewe waxa uu leeyahay taayirro leh adkaysi una samaysan qaab ay ka gudbi karaan dhammaan caqabadaha suurtogalka ah ee ka hor iman kara. Wax yaabaha kale ee uu leeyahayna waxaa ka mid ah in qofku uu kursiga kor u dalllaci karo si uu u gaadho meelaha ka sarreeya ee uu gacanta ku gaadhi waayey, ama marka uu doonayo in uu si caadi ah ula sheekaysto ruux kale oo taagan. Waxa uu leeyahay farsamo casri ah oo ka ilaalinaysa in uu dhinac u qalloocdo ama dheelliyo marka uu meel sare fananayo ama ka soo dhaadhacayo.

Gaadhi-curyaankan casriga ah oo lagu wado in uu suuqyada soo galo dhammaadka sannadka dambe, waxa uu samayskiisu socday tan iyo sannadkii 2014-ka, iyada oo mar kasta tijaabo la geliyo, kadibna lagala baxo hadba fikradaha cusub iyo waxyaabaha kale ee u baahan in lagu sii kordhiyo si loo dhammaystiro baahiyaha qofka curyaanka ahi u baahan karo, iyada oo loo eegayo qofka laxaadka qabaa waxa uu qabsan karo ee imika cago la’aanta ama fadhiga awgii uga baaqanaya curyaanka.

Mashruucan waxaa fikirkiisa iyo sancayntiisaba leh toban arday oo fikirkan bilowgiisii galay sannadkii 2014 iyaga oo ahaa arday shahaadada koowaad ee waxbarashada jaamacadda ku jira, xilligaas oo ay ku jireen maxadka tiknoolajiyadda ee jaamacadda Zurich ee dalka Switzerland ayaana ay markii koowaad tijaabiyeen kursigan, tobankan arday waxaa ku jira laba curyaamiin ah oo ah kuwa ka jawaabaya baahiyaha ruuxa curyaanka ahi qabo ee ay tahay in kursigan lagu daro. Kooxdan dhalinyarada ahi waxa ay hadda ku gudo jiraan lacag ururin ay dadka ugu soo bandhigayaan barnaamijkoodan si ay u helaan dhaqaalaha uu u baahan yahay mashruucan dhamaystirkiisu.