Laylisyada Shaqo-Gurida Ah Ee Dugsiyada Oo La Badiyaa Waxa Ay Khatar Ku Yihiin Caafimaadka Ilmaha Iyo Xidhiidhka Isaga Iyo Waalidka Ka Dhexeeya

0
567

London (Geeska)- Carruurtu xilliga ay ku jiraan da’da waxbarashadu waa marka ay ugu hawl badan yihiin waalidka, laga bilaabo goor hore tooska iyo diyaarinta quraacda, buugaagta, labbiska iyo qalabka dugsiga iyo ambabixintooda ama dugsi geyntooda, illaa laga soo gaadho caawinta ilmaha laga caawinayo ama lagu ilaalinayo dhamaystirka laylisyada shaqo-gurida ah ee uu dugsigu maalinta xigta ilmaha ka rabo.

Hawsha caawinta ilmaha iyo u fududaynta gudashada waajibaadkaas dugsigu soo siiyo si ay guriga ugu soo dhammaystiraan ayaa ah hawlaha ugu dhibta badan, maadaama oo ay tahay shaqo u baahan u fiirsi iyo ka fikiris badan.

Haddaba sida lagu sheegay warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey shabakadda Al-Carabiya, waajibaadka dugsigu ilmaha u soo diraa, mararka qaarkood waxa ay saamayn taban ku yeelan karaan caafimaadka ilmaha iyo si guud qoyskaba. Waana sababta ay u fiican tahay in waajibaadka shaqada guri ahi ay yaraadaan, oo dugsigu uu ku dadaalo in ilmaha hawlihiisa badankooda dugsiga ugu soo dhammaystiro, si isaga oo hawshii dugsiga ka soo faraxashay uu guriga u yimaaddo.

Dhibaatooyinka caafimaad ee ka iman kara waajibaadka shaqo-guri oo ilmaha lagu badiyana waxaa ka mid ah:

Miisaanka ilmaha oo kordha

Sida ugu habboon ee looga hortegi karo baruurta dunida maanta faraha baas ku haysaa waa in ilmuhu inta uu yar yahay laga ilaaliyo buurnida, waayo waxaa cilmi ahaan la ogaaday in baruurta carruurnimadu ay tahay sabab muhiim ah oo keenta buurnida, nooceeda aan sida fudud loo goyn karin ee dadka waaweyn qaarkood fuusha.

In ilmaha waqtigiisu u qaybsamo dugsiga, ka shaqaynta waajibaadka iyo hurdadu waxa ay keenaysaa in xarakaadkiisu yaraado kadibna uu miisaan fuulo.

Qulub iyo niyad xumo

Laylisyada badan ee dugsigu shaqo guri ilmaha uga dhigaa waxa ay ilmaha ku abuuraan, daal nafsi ah, warwar iyo niyad xumo badan, xitaa labada waalidka oo ku qasban in uu ilmaha caawiyo ayaa ay dhibtan nafsiga ah ku keentaa.

Waxwa ilmaha ku dhaca in uu naco ama karho waalidka, maadaama oo waalidka ka caawinaya waajibaadkani uu marar badan ku qasbanaanayo in uu cadaadiyo, in uu ciqaabo iyo canaan badan oo la xidhiidha sida uu ilmuhu uga shaqaynayo layliska, aakhirka ilmaha oo aan gaadhin da’ u bisil in uu fahmo in sababta loo cadaadinayo ama waalidku u ciqaabayaa dantiisa tahay waxaa ku dhaca niyad xumo iyo xaalado nafsi ah oo ku abuura in uu u qaato in aanu waalidku jeclayn.