FIFA Oo Ku Dhawaaqday Liiska Musharixiinta Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Sanadkan Iyo Wadamada Iska Dhex Waayey

9
2387

 

Xidhidhka kubada cagta ee Aduunka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey liiska 23 ciyaaryahan oo u tartami doono abaalmarinta Fifa Ballon d’Or ee sanada 2011ka.

ciyaaroLiiska ayaa ay buux dhaafiyeen ciyaaryahanada qaranka Spain kuwaa oo ku yeeshay 7 ciyaaryahan, halka laga waayey ciyaaryahanada qaranka Ingriiska oo ku yeeshay hal ciyaaryahan oo kali ah.

 

Liiska ayaa ay ku jiraan labada ciyaaryahan ee aadka u xafiiltama ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Dhinaca kale waxa liiska laba ciyaaryahan ku leh xulka qaranka dalka Uruguay oo sanadkan dhexdiisii ku guuleysta koobka qaramada qaarada Amerika.

Dhinaca kale qaarada Afrika ayaa hal ciyaaryahan oo kale ah ku leh liiskan ka kooban 23ka ciyaaryahan. Dalka Jarmalka ayaa sadex ciyaaryahan ku leh, halka wadamada France, Argentina iyo Brazil ayaa min laba ciyaaryahan ku leh liiskan. Marka aynu xagga kooxaha ka eegno kooxda Barcelona ayaa ugu badan ciyaaryahanada liiska lagu soo xulay. Waxana ay kooxda Barcelona ku leedahay sideed ciyaaryahan. Halka kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid ku leedahay shan ciyaaryahan.

Shanta bisha 12aad ee sanadkan ayaa lagu dhawaaqi doonaa sadexda ciyaaryahan ee ugu codadka badan. Waxana si rasmi ah abaalmarinta loo gudoonsiin doonaa qofka ku guuleysta Fifa Balon d’Or bisha kowaad ee sanadka 2012 ka. 

Fifa yaa dhinaca kale soo saarty liiska 10 ka tababare ee u tartami doona abaalmarinta tababaraha ugu wanaagsan sanadka. Waxana aad uga dhex muuqda tababarayaasha horyaalka Ingriiska oo ku leh sadex tababare. Waana sidan liisasku

 

Liiska 23-ka ciyaaryahan ee laga u tartami doona abaalmarinta Ballon d’Or:

1. Eric Abidal, (France)

2. Karim Benzema (France),

3. Sergio Aguero, (Argentina)

4. Lionel Messi (Argentina),

5. Iker Casillas (Spain)

6. Cesc Fabregas, (Spain)

7. Andres  Iniesta, (Spain)

8. Gerard Pique, (Spain)

9. David Villa, (Spain)

10. Xabi Alonso,(Spain)

11. Xavi (Spain),

12. Cristiano Ronaldo, (Portugal)

13. Nani (Portugal),

14. Dani Alves,(Brazil)

15. Neymar (Brazil),

16. Samuel Eto’o (Cameroon),

17. Diego Forlan, (Uruguay)

18. Luis Suarez (Uruguay),

19. Thomas Muller,

20. Mesut Ozil,

21. Bastian Schweinsteiger (Germany),

22. Wayne Rooney (England),

23. Wesley Sneijder (Netherlands).

 

Liiska tababarayaasha u tartami doona abaalmarinta tababaraha ugu wanaagsan:

1. Vicente del Bosque (Spain national team),

2. Sir Alex Ferguson (Manchester United),

3. Rudi Garcia (Lille), Pep Guardiola (Barcelona),

4. Jurgen Klopp (Borussia Dortmund),

5. Joachim Low (Germany national team),

6. Jose Mourinho (Real Madrid),

7. Oscar Tabarez (Uruguay national team),

8. Andre Villas-Boas (Porto, Chelsea),

9. Arsene Wenger (Arsenal). 

Comments are closed.