“Annagu Diiwaangelin Iyo Diiwangelin La’aanba Dorashada Waanu Ku Qaban Karnaa”

0
4111

 

Hargaysa( Geeska )-Guddiga doorashoyinka ee Somaliland ayaa warbaxin dheer ka siiyay golaha guurtida ee Somaliland hawalaha ay qaranka u hayaan iyo udiyaar garawga  doorashoonyinka soo socda.

Komishanku waxa ay sheegeen in doorashada soo socota ee golayaasha deegaan ay qaban doonaan wakhtigii loo cayimay balse ay u taalo golayaasha qaranka iyo umada Somaliland-ba in lagu galo diiwaan galin iyo in lagu galo bilaa diiwaan galin, isla markaana komishanku waxa ay aad ugu nux nuxsadeen inay iyagu ka koomishan ahaan labada jeerba ay qabanayaan hawsha qaranku u igmaday.

Dhanka kale mudanayaasha golaha guurtida ayaa warbaxintaas kadib waxa ay waydiiyeen su’aalo xubnaha komishanka qaranka waxaana su’aalahaas ka mid ahaa dalabka ay dalbanayaan xisbiyada mucaaradka ah xubnihii ka baxay ee golaha wakiilada inay soo buuxsadaan iyo warqadahii ay komishanku u gudbiyeen shir gudoonka wakiilada.

Ugu horayntii gudoomiye ku xigeenka komishanka Cali Khadar Xasan oo goalha dhexdiisa warbaxin ka jeediyay waxa kamid ahaa hadaladiisa “ Horta adduunka wax diwaan gelina oo sixi ma jirto laakiin diwaan gelintii aynu doorashada ku galnay waxay ahayd mid inteeda badani sax yihiin, laakiin xikmada meesha ku jirta ee ay saxa u tahay waxa weeye dadkii qaan gaadhay sanadihii ka danbeeyey diwaan gelinta haddii laysyidhaa diwaangeliya ma dhacayso oo kii hore isu diwaan galiyey iyo kan la doonayo in la diwaan galiyo ma haysano qalabkii kala saari lahaa.” ayaa uu yidhi, waxaanu intaas ku daray“anaguna doorashadii diwaan gelin iyo diwaan gelin la,aanba waanu  ku qaban karnaa go,aankuna waxa uu ka soo bixi karnaa shacabka, xisbiyada qaranka,golayaasha sharci dejinta,iyo xukuumada sidii ay ku heshiiyaana waanu yeelaynaa, horta danteenana inagaa naqaana  dawladaha ajanabiga ahina iyo deeqbixiyayaashuna waxay inagala shaqeeyaan wixii aynu inagu dan u aragno, inkasta oo iyaguna mararka qaar ina jiheeyaan ileen waxbaa inagaga xidhane laakiin maanta waxaan taaganahay haddii doorashada aynu ku galno diwaan gelintii hore iyo hadaynaan ku gelin waa wax aynu inagu xor u nahay oo aanay jirin wax inagaga imanaya markii aanu soo hubinay gudo iyo dibadba.” Ayaa uu yidhi gudoomiye ku xigeenka komishanku, sidoo kalena waxa uu sheegay inay rajaynayaan in wakhtiga doorashooyin ka loo cayimay ay ku qaban doonaan.” “Dhinaca doorashada waxaanu rajaynaynaa in wax waliba sidii aanu ugu tala galnay ay noogu dhacaan, gudigii la sameeyey ee diwaan gelinta ayaa ay anagana hawshayadii ku xidhan tahay, gudiga diwaan gelinta ururadu marka ay noo soo gudbiyaan inta urur ee ansaxday ee tartanka ka qayb galaya markaas ayaanu anaguna doorashada qabanaynaa, haddii wax dib u dhacaana maaha dhibaato wayn oo isla inagii ayaa meesha joognee bil iyo laba toona waynu ku dhamaysan karnaa hadii ay dib u dhacdo golahiinan guurtidana waanu idinku soo war celin doonaa hadii aanu doorashada kaga gaadhsiin wayno wakhtigii aanu ugu tala galnay, waxaanu idin waydiinsan doonaa in wakhtiga naloo kordhiyo, anaguna waxaanu jecelnahay inaynu mar kasta wada tashano”

Ugu danbayntii waxa uu sheegay inay komishan ahaan diyaar u yahiin in ay doorashada qabtaan hadii diiwan galin lagu galaayo iyo hadii kaleba “ haddii aanu nahay komishanka haddii nalagu yidhaa kaadhadhkan ku gala diyaar ayaanu u nahay oo idinkaa xeer dejintii ah oo ay idiin taalaa anaguna wax siyaasada idinkula murmi mayno oo idin hoggaamin mayno, marka doorashada laga hadlayana anagu farsamo ayaanu nahay, waxa aanu diyaar u nahay inaanu qarankan doorasho xor iyo xalaala u qabano, marka ay wakhtigeeda gaadho.”

Dhinaca kalena waxa ay xubnaha komishanka kaga jawaabeen su’aal la xidhiidha dalabka xisbiyada mucaaradka ay dalbanayaan inay soo buuxsanayaan xubnaha iska casilay xisbiyadooda ee golaha wakiilada iyo warqadii ay u gudbiyeen sidan  “ Shuruucda wadanku waxay tilmaamayaan qaybta golaha baarlamaanka qodabka 50-aad ee dastuurka Somaliland waxa ku qeexan arimaha qofka lagu badali karo mar hadii uu shaqadiisa iska casilo ama uu xanuunsado oo uu shaqadiisa qabsan kari waayo ama uu dhinto ama maxkamad la saaro oo danbi lagu helo, qaybta 41 ee dastuurka todaba arimood oo sharaxaysa ayaa jirta, markaa anaga marka meeshaas qof ka baxo  anaga waxa noo soo qora shirgudoonka baarlmaanka ayay shaqadiisa tahay inay yidhaahdaan qofkaas meesha uu ka baxay iyagaana noo soo tilmaama, hase yeeshee dastuurka Somaliland sida quraanka maaha oo ma dhamaystirna quraanka ayuunbaa dhamaystiran, meelaha qaarkood dadkii markay arkaan inay wax dhacaan anagiibay nagu soo cararayaan oo ay noo imanayaan waxay moodayaan in an anagu awoodii leenahay, awooda anagu malihin waanu garanaynaana awooda naloo qeexay, halkaas aad tilmaantayna siyaabo aan iyaga u gudbinay oo aanu shir-gudoonka waraaqihii noo yimi ee cabashada ahaa ee labada xisbi noo soo qoreen ayaan ku nidhi shirgudoon adaa warqadan noo soo qora oo anagu awoodan malahin kuna qeexana dastuurkii Somaliland arimahani, adiga laftigaaga lagugu haystaa markaa gudoomiye noo sharax arintani waxay tahay, ama waxaad tidhaahdaa jagadii ma banaana ama waxaad tidhaahdaan shuqul kuma lihidin horta isku xidh anaga naga dhexeeyay ayay ahayd.”