Xildhibaan Dhakool ma isku wadi karaa is daadraacinta ololaha KULMIYE iyo shirarka qarsoon ee uu konfurta xuduudka ka wado

0
940
dhakoolWaa la wada ogyahay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan golaha wakiiladu inuu ku yimid nidaamka isxambaarka, waxaana la wada ogyahay inuu sannadihii u dambeeyay ahaa wakiiilka ururka Al-Shabaab u qaabilsan Somaliland, waxaana xataa cadeeyay dawladaha jaarka oo xukuumadda Somaliland uga digay jariimaadka iyo dambiyada uu ku dhex jiro. wuxuu gobalka Sool ka fuliyay hawlgalo uu ku khaarajiyay saraakiil dawladeed oo siyaabo qarsoon gobalka loogu dili jiray balse joogsaday markii ay sirdoonku ogaadeen ee uu u baxsaday wadamad Afrika qaarkood. Waxaanu muddo sannad ku dhow dib u soo noqday ka dib markii uu taageero ka helay guddoomiye-xigeenk golaha baashe Maxamed Faarax iyo wasiirkii hore ee daakhiliga Duur.

Waxa la ogyahay in xildhibaan Dhakool walaalkii oo ka tirsanaa Al-Shabaab lana yidhaahdo Cabdillaahi Carabey ay ciidamada Somaliland ka soo qabteen Koonfurta Sool, ka dib markii uu ka soo cararay khilaafkii shabaab ka dhex dhacay.

hase yeeshee laaluush uu xildhibaan dhakool sameeyay dartii waxa xabsiga ka baxay walaalkii iyadoo dhacdadaas loo eryay afar garsoore oo laaluushhkaas qaatay. Haddana wuxuu xildhibaan Dhakool ku hawlanyahay shir kooxdan Shabaab uga socota koonfurta xuduudka Somaliland gaar ahaan jiidda u dhaxaysa qoriley, karinta iyo boocane, waxaana halkaas u raacay walaalkii oo shir la leh kooxdaas iyadoo uu Dhakoolna la joogo.

Haddaba waxa ay isweydiintu tahay side ayuu iskugu wadi karaa laba wajiilaynta uu marna leeyahay KULMIYE iyo xukuumadda ayaan wakiil iyo xildhibaan u ahay marna kooxdaas shadaadiinta ah ee ay duniduba baadi goobayso inuu dhex dabaasho.

Axmed Maxamed Yuusuf, Lascanod,

Somaliland