Warbixin Cabdirashiid Dahab Shiil Ku Dartay 50-ka Qof Ee Ugu Saamaynta Badan Afrika

0
507

 

IMG_9392-600x450Hargeysa(Geeska)-Majaladda caanka ah ee Africa Report oo ka faalloota arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa jimcihii shalay baahiyey liiska dad hal-door ah oo uu u xushay in ay yihiin kontonka ruux ee ugu saamaynta badan qaaradda Afrika. Waxaana dadkaas ka dhex muuqda Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid (Cabdirashiid Dahab-shiil) oo ah maareeyaha guud ee shirkadda Dahab Shiil.

 

Majaladda oo si dadban uga cudur daartay in liiskan aanay ku jirin xubno dumar ahi waxa uu hoosta ka xarriiqay laba sababood oo uu sheegay in ay dadkan ku soo xusheen, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Marka koowaad waxa aanu door bidnay in aanu eegno dadka aan aadka loo aqoon: ma’aha (Dadka liiskan ku jiraa) kuwa sida joogtada ah uga dhex muuqda warbaahinta iyo  shirarka.”

Waxay majaladu intaas raacisay “Liiskani keliya waa tilmaam guud waxase aanu dareensannay in ay jiraan dad badan oo ka sii fiican ama la mid ah kuwan aanu doorannay. Waxaa jira imaamyo iyo wadaaddo badan oo saamayn weyn ku leh dadka taabacsan, laakiin waxa aanu qolo kasta ka soo qaadannay uun hal tusaale, waxa sidoo kale la mid ah aqoon yahanka Afrika iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.”

Ugu dambaynti iwaxa ay shabakaddu xustay in soo xulidda dadkani ay qaadatay waddo dheer, wariyeyaasha kala duwan ee majaladda u jooga caalamka ayaa soo sharraxay dad ay liiskan la door bidayaan, sidoo kale ururro la jaal ah majaladda iyo warbaahin kale ayaa laga codsaday in ay soo gudbiyaan liisas murashaxiin ah, waxa aanu liisku gaadhay dhowr boqol oo ruux oo dhammaantood u qalma liiskan, laakiin nasiib waxaa u yeeshay xulitaankii u dambeeyey kontonkan ruux.

Cabdirashiid Dahab Shiil, waxa ay warbixintu sheegtay inuu maamulo shirkadda Dahab Shiil oo ay ka hawlgalaan in ka badan laba kun oo shaqaale ahi islamarkaana 140 wadan xafiisyo ku leh, waxaanay warbixintu sheegtay inuu Dahab Shiil suurtogeliyay lacagta ay dunidu ka yaabto ee ay Somalida qurbe jooga ahi dadkooda u soo xawilaan.

Ka sokow Cabdirashiid Dahab-Shiil, waxa kale oo ka mid ah dadka kontonkaas ruux ku jira, Fatou Bensouda oo ah madaxa qeybta dacwad soo oogidda ee Maxkamadda caalamiga ah ee ICC iyo Marc Ona Essangui  oo ah nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ee dalka Gabon, waxaana lagu tilmaamaa nin dedaal badan oo kulamada uu abaabulaa ay gilgilaan dawladda dalkaas. Ninkan oo xataa ka awood badan mucaaradka marka la eego sida codkiisa loo maqlo, waxa la xidhay bishii Jullay ee sannadkan ka dib markii uu abaabulay kulan ay dawladda dalkaasi ka shakiday. Dad kale Afrikaan ah ayaa iyaguna ka dhex muuqda.

In kasta oo ay Africa Report ahayd xarun warbaahineed oo nus qarni soo dhisnayd, majaladdeeda The Africa Report iyada waxaa la aasaasay sannadkii 2005-ta waxaana xarun u ah magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Akhristayaasheedana waxaa lagu qiyaasaa illaa 4 boqol oo kun oo ruux.