Wasiir Hore Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Soo Foolka Leh Iyo Muddo-kordhinta Aan Weli dhamaanin Ee Wakiillada

0
612

Hargeysa (Geeska) – Cabdi Siciid Faahiye oo Xukuumaddii hore ee Axmed-Siilaanyo ka soo qabtay xil wasiirnimo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka ee la filayo inay sannadkan dhacaan, wakhtiga ay cayimeen Komishanku iyo go’aanka laga sugayo Guurtida.

Siyaasi Cabdi Siciid Faahiye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan in Doorashooyinka isku sidkan in la wada qaban karo iyo in kale, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Muddadii dastuuriga ahayd halkeedii bay taalala, codsiga ay saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu soo gudbiyeena ee Komishanku kula socdaana waa la eegayaa, waxna waa sharci waxna waa soo jeedin, dastuuriyan waa taas uu Dastuurku dhigayo ee Golaha Guurtidu kordhisay, oo iyaga ayaa awood u leh, markaas waxaa laga war sugi doonaa oo la eegi doonaa go’aanka ka soo baxa Golaha Guurtida, waxaana dhici karta in Golaha Guurtidu ay go’aankoodii hore ku adkaystaan iyo  inay Doorashooyinka hore u soo dhigaan, oo ay ku saleeyaan wakhtiga ay Komishanku qabsadeen, waxaa kale oo dhici karta inay wakhti kale ka dhigaan”.

Mar uu ka hadlayey siday suurtagal ku noqon karto in labada Doorasho oo isku sidkan mar la wada qabto ayuu yidhi  “Haddii wax walba oo hakin kara ama dib u dhigi kara Doorashooyinka la sii dhammeeyo, waa la awoodaa in mar la wada qabto, haddii laga baqayo in dib u dhac ku iman karana waa la kala qaadi karaa, oo waxaynu og nahay in Doorashooyinkii Xisbihyadu ku eeg yahay 2022, maadaama tobankii sanno ee ururada dib loo furay ay ku beegan yihiin 2022, sidaas darteed haddii la rabo in dib loo furo ururadii sannad kadib waa lagu beegi karaa Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, haddii kalena sannadkan waa la qaban karaa Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo mar waa lala qaban karaa Doorashooyinka Wakiilaada, oo mar kasta waxay ku xidhan tahay qaabka wax loo qorsheeyo iyo sida is fahanka la gaadhi karo”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office