Faysal Cali Waraabe Oo Ku Baaqay In Somaliland Loo Soo Gacan-geliyo Dadka U Dhashay Ee Dawladda Farmaajo U Hiiliya

0
599

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka iyo Ciidanka reer Muqdisho ku hambalyeeyay kacdoon ay kaga soo horjeedeen muddo kordhin loo sameeyay dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Faysal oo ka hadlayey Munaasibad uu Xisbigiisu ku shaacinayey laba Musharrax ayaa yidhi “Waxanu leenahay Muqdisho ma toostay, heeryadiina ma tuurtay, Farmaajana ma tuurtay.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka reer Muqdisho ay hore ugu hiiliyeen shacabka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxanu leenahay hambalyo, Anaga reer Muqdisho waa kuwii noo hiiliyay.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in loo baahan yahay in siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee ka midka ah Dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo loo soo gacan-geliyo Somaliland “Kuwayaga kalkaas (jooga) ee Farmaajo u hiilinayana noo soo dhiiba, halkan (Somaliland) ayaanu Maxkamad ku saaraynaaye”

Geeska.net/Hargeisa Office