“Hab-dhaqanka Boolisku, Wuxuu Carqabad Ku Yahay Doorashada..” Xisbiga WADDANI

0
483

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka hadlay Xadhigga Musharraxiinta Xisbigaasi, gaar ahaan Qaasim Aadan Saleeban oo Xisbiga uga sharraxan Gobolka Sool, laakiin ku xidhan Hargeysa.

Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in sifo sharci darro ah lagu xidhay musharax Qaasim Aadan Saleeban oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

Xoghaye Khadar ayaa booliiska ku eedeeyay in ay sifo sharci daro ah u maraan xadhiga musharixiinta, isaga oo sheegay in hab-dhaqanka boolisku uu caqabad ku yahay doorashada “ Ta ugu daran ee maanta taagan carqalad weyna doorashada ku ahi waa hab dhaqanka booliiska iyo sida loo xidh xidhayo musharixiinta” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee WADDANI, waxaanu intaa sii raaciyey “Xeerka doorashooyinku wuxuu dhigayaa in musharax ay guddida doorashooyinku si rasmi ah u soo saareen aan la xidhi karin haddii aanu danbi faraha kula jirin, sharcigaasi wuu cadyahay, haddii cid sharci ixtiraamaysa ay waddankan ku nooshahay”

Xoghayaha guud wuxuu intaa ku daray in musharax walba inta aan la ogolaan uu xeer-ilaalinta ka soo qaato warqadda danbi-la’aanta, taasi oo musharixiinta xidhani ay soo mareen.

Geeska.net/Hargeisa Office