Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Cadowgii Afartii Sano Ee U Dambeeyay La Dagaalamayey Somaliland Awood Lagu Fashiliyey Damaciisii

0
632

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa ka hadlay Xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya ka taagan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo 25-kii bishan oo dagaal ku dhex maray Ciidamo Dawladda oo difaacaya iyo Ciidamo ka soo horjeeda Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo, ayuu Madaxweyne Biixi sheegay inuu masuul ka yahay Dawladda hadda haysa xilka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in Dawladda Farmaajo ay Qixisay Dadka ku nool Xamar “Dawladdaas Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka Xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Somaliland oo 30 sano la lahaa lama Ictiraafsana oo cadow badan leh, kii Cadowga ugu weyn ahaa ee Afartii sanadood ee u dambeeyay la dagaalamayey Somaliland, Ilaahay wuxuu Qaddaray in Saddex goor Toddobaadkan dhexdiisa Golaha Ammaanku yidhaahdaan sidaa yeel oo waad qasban tahay.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay “Mar iyo laba ay dhibaatooyin ka dhaceen Baladweyne iyo Jawhar ba waanu u gurmanay, maantana aad baanu uga xumanay markaanu aragnay Xamar oo dagaal dib uga bilaabmay” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Eedda waxa leh dowladdii hoggaanka haysay oo damacday dadka in aanay dhegaysan iyada oo uu wakhtigeedii dhamaday, laakiin Waxa Alle mahaddii ah in caalamkii oo dhan iyo shacab oo dhami ku qasbeen maanta dowladdii dhagaha adkayd, inay kusoo noqoto halkii shacabka iyo caalam kuba la rabeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Geeska.net/Hargeisa Office