Farriin Uu Trump Soo Dhigay Bartiisa Twitter Ka Oo Muran Dhalisay Iyo Shirkadda Twitter Oo Soo Faragelisay

0
569

Waxaa mar kale cirka isku sii shareeray khilaafkii u dhexeeyey Donald Trump madaxweynaha dalka Maraykanka iyo shirkadaha xidhiidhka bulshada, kaddib markii shirkadda Twitter ay been abuur ku tilmaamtay muuqaal uu Madaxweyne Trump ku faafiyey bartiisa twitter ka.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter ka ku faafiyey muuqaal uu marag uga dhigayo sheegashadiisa ah in warbaahinta Maraykanku ay sabab u tahay fawdada iyo qaybsanaanta bulsho ee dalka Maraykanka muddooyinkii u dambeeyey ka dhacaysay. Muuqaalka uu Trump faafiyey waa laba wiil oo yaryar oo midi caddaan uu yahay, ka labaadna madow. Wiilka cad auaa daba ordayua wiilka madowga ah oo ka ordayey xilli ay ciyaarayeen. Fiidyowgan oo uu faafiyey talefishanka Maraykanka laga leeyahay ee CNN ayaa qoraalka marka hore ku hoos qornaa laga tirtiray, kaddibna waxaa lagu qoray ereyo ah, “Waa arrin argagax leh, wiil yar oo ka ordaya wiil cunsuri ah” sida oo kalana laynka hoose ee wararka madaxdooda lagu qori jiray inta laga tirtiray ayaa lagu qoray “Waxaa muuqata in wiilka cunsuriga ahi uu ka mid yahay taageereyaasha Trump”

Muuqaalkaas kaddib waxaa soo baxaya muuqaalka saxda ah ee fiidyowga oo ah, labada wiil oo wada ciyaaraya si kalgacal lehna isugu dhegeya. Iyada oo ugu dambayntana ay soo baxayaan ereyo lagu sheegayo in Maraykanku anu ahayn dhibaatada jirta, balse ay dhibaatadu tahay warbaahinta been abuurka samaysa.

Muuqaalkan uu Trump faafiyey waxaa dareenno kala duwan ka bixiyey dad tiradoodu ka badan tahay 9 milyan. Laakiin waxaa markiiba soo dhexgashay shirkadda Twitter ka, oo muuqaalka hoostiisa dhigtay calaamad muujinaysa in muuqaalku uu yahay mid wax ka beddel lagu sameeyey sidii uu asal ahaan marka hore ahaa. Kaas oo aad uga duwan sida uu Trump u soo dhigay.

Madaxweyne Trump iyo taageereyaashiisa ayaa mar kale ka cadhooday in shirkadda Twitter ay qoraalka madaweynaha hoostiisa ku qorto ereyo sheegaya in uu been abuur iyo wax ka beddel qaldan ku sameeyey muuqaalka asalka ahaa.

Arrintani waxa ay sii kordhisay dagaalka u dhexeeyey labada dhinac, oo horeba u gaadhay heer uu Trump ku hanjabay in uu soo saari doono xeer uu ku xakamaynayo baraha bulshada.