Qaxoonti Suuriyaan Ah Oo Ku Guulaystay In Uu Beddelo Go’aan Uu Gaadhay Raysalwasaaraha Ingiriisku

0
741

Xukuumadda Ingiriiska ayaa go’aansatay dhaqangelinta sharci cusub oo dadka ajaanibka ah ee coronavirus u dhinta iyaga oo ka shaqaynaya xarumaha caafimaadka, qoysaskooda xaq u siinaya in ay helaan deggenaanshiyo rasmi ah.

Sharcigan oo uu soo saaray raysalwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa lagu gaar yeelay dadka shaqooyinka dhinaca mihnadda caafimaakda ah ka haya xarumaha lagula tacaalayo xanuunka COVID-19 ee ay maamusho wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi. Xasaan Al-Caqaad oo ah Suuriyaan qaxoontinimo ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa arrintan aad uga xumaaday waxa aanu qaaday tallaabo sabab u noqotay in uu raysalwasaaruhu wax ka beddel ku sameeyo qaraarkiisa. Xasaan intii uu dalkiisa joogay waxa uu ahaan jiray filim soosaare laakiin intii uu Ingiriiska joogay waxa uu ku shaqayn nadiifiyenimo, waxa aanu ka hawlgelayey mid ka mid ah cisbitaallada magaalada London. Xasaan waxa uu bartiisa twitter ka ku faafiyey farriin uu ku socodsiiyey raysalwasaaraha dalka Boris Johnson oo uu ugu sheegayo in shaqaalaha xarumaha caafimaadka ka shaqeeyaa ay isku wada xaalad yihiin kuwooda dhakhaatiirta ama kalkaaliyeyaasha ah iyo kuwa nadiifiyeyaasha ah sidiisa.

Muuqaalkan kooban ee uu Xasaan oo 32 jir ahi ku faafiyey bartiisa twitterka ayaa soo jiidatay dareenka dadka, iyada oo markii uu faafiyey muddo 24 saacadood gudahood ah ay daawadeen dad tiradoodu ka badan tahay 5 milyan oo ruux. Sida oo kale waxaa farriintan dib u faafiyey dad tiradoodu 60 kun tahay. “Afar sano ayaa aan deggenaa Ingiriiska. Gacmo furan ayaa ay dadka Ingiriisku igu soo dhoweeyeen, tan iyo markii uu ‘Coronavirus’ faafayna hurdo ma seexan shaqada aan haya awgeed, aniga oo mar kasta niyadda ku haya in aan ka abaal celiyo wanaagga Ingiriisku ii sameeyey” ayaa ka mid ahaa hadallada Xasaan oo isaga oo raysalwasaaraha la hadlaya intaas ku daray, “waxa aan dareemayaa in qaraarkaagu igu yahay khiyaamo iyo dhabar jebin, niyadjab ayaa igu dhacay markii aan ogaaday in xukuumaddaadu ay go’aansatay in aan la igu darin dadka taageerada la siinayo qoysaska dadka ka shaqaynaya goobaha caafimaadka ee Fayraska u dhinta, waxaa aad ka reebtay, aniga iyo jaalkayga ka shaqeeya nadaafadda, waardiyeyaasha, gacanyareyaasha bulsho iyo dadka kale ee daryeelka caafimaadka ka shaqeeya ee mushaharka ugu yar qaata. Waxa aad go’aamisay in haddii aan dhinto aniga oo xanuunkan xakamayntiisa dagaal ku jiro, in aanay xaaskaygu helin deggenaanshiyo, sidaas ayaa uu abaalkaygii noqday”

Dadka farriintan ka dareen celiyey ayaa sheegayey in ay ceeb tahay in kala xuquuq laga dhigo dad hal xarun oo caafimaad ka wada shaqaynaya oo duruufaha caafimaad darro ee ay waajahayaan ay isku mid yihiin ama khatarta u siman.

Raysalwasaare Johnson oo arrintani gaadhay ayaa ku qasbanaaday in uu la xidhiidho Xasaan, una sheego in uu ka xun yahay go’aankaas. Sida oo kale waxa uu raysalwasaaruhu u ballanqaaday in uu arrintaas dib u eegis ku samaynayo. Muddo gaaban kaddibna raysalwasaaraha Ingiriisku waxa uu soo saaray go’aan cusub oo deggenaanshiyaha dalka oo rasmi ah siinaya qoyska qof kasta oo shisheeye ah oo coronavirus u dhinta isaga oo ka shaqaynaya mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee dalka.