Faransiisku Qoorta Ayuu Ka Jaray Gabadhii Ugu Horreysay Ee Sinnaanta Ragga Iyo Dumarka Ku Baaqday

0
840

Kacaankii Faransiiska ee horseeday in dalkaasi uu u guuro nidaam boqortooyo dastuuri ah. Hoggaamiyeyaashii muuqday ee kacaanka hagayey waxaa ka mid ahaa haween, guulaha ay soo hooyeen awgood ay qaarkood ay taariikhda Faransiiska bogag dahab ah ka galeen. Haweenkaaas waxaa ka mid ahayd Marie Guzzi oo sida oo kalana loo yaqaannay ‘Olympe de Gouges’.

Olympe oo dhalatay bishii Meey 1748 kii, 18 jirkeedii ayaa ay carmal noqotay kaddib markii ay kala tageen nin ay 16 jirkii isku guursadeen magaalada ay ka soo jeedday ee Montauban, laakiin ay laba sano oo keliya wada joogeen. Waxa ay u wareegtay magalada caasimadda ah ee Paris, oo ay isku barteen dad maalqabeen ahaa oo aad uga caawiyey in ay riyadeedii dhinaca waxbarashada gaadhay.

Waxbarashada kaddib Olympe waxa ay is barteen aqoonyahan iyo suugaanyahanno ay ka mid ahaayeen Louis-Sebastien iyo Mercier, kuwaas oo  sabab u noqday in ay isu beddesho shakhsiyad kacaan ah.

Sannadkii 1785 kii Olympe waxa ay bilowday qoraallo masraxiyadeed ay si aad u daran ugu dhalleecaynayso addoonsigii xilligaas ka jiray Faransiiska, kuna baaqayso in la xoreeyo addoonta Afrikaanka ahaa oo loola dhaqmo sida aadamaha. Isla waqtiyadaas waxa ay bilowday in ay difaacdo xuquuqda haweenkam waxa aanay si aad ah u cambaarayn jirtay dhaqan xilligaas ka jiray Faransiiska oo ahaa in hablaha qasab loogu guuriyo rag aanay iyagu dooran. Sida oo kalana waxa ay aad uga hadli jirtay habdhaqankii ay bulshada raggu awoodda sare lahaayeen ee Faransiisku ku qaabili jirtay haweenka dalka.

Markii uu kacdoonkii Faransiisku qarxay Olympe waxa ay sii labanlaabtay dadaalkeedii, waxa aanay markan dalbatay in la simo dhammaan aadamaha iyada oo aan loo eegayn jinsiga ay yihiin, hantidooda iyo midabka jidhkooda.

Markii uu soo baxay xeerkii xuquuqda aadamaha iyo muwaadinka ee Faransiiska ayaa ay sii laban laabtay ol’olaheeda si ay u muujiso in xeerkaasi uu ka tegey xuquuqdii haweenka, hal-ku-dhegyada lagu xasuustana waxaa ka mid ahaa baaqeedii ay ku sheegi jirtay, “Gabadhu sida muwaadiniinta ragga ah waxa ay xaq u leedahay in dil lagu xukumo iyo sida oo kale in ay hesho xuquuqda siyaasiga ah”

Inkasta oo Olympe ay dawladdii markaas jirtay ka mamnuucday siyaasadda, haddana ma ay joogsan ee waxa ay sii wadday halgankeedii siyaasadda, waxaana ay ku guulaystay in dadaalladeedu ay sabab u noqdaan in dawladdu ay arrimo badan haweenka u ogolaato; waxaa ka mid ahaa in ay ogolaatay in haweenka iyo raggu isku saami ka helaan dhaxalka, in ay xaq u yeelato in ay dalban karto in ninkeedu uu furo, iyo arrimo kale oo horteed aanay haweenka Faransiisku xaq u yeelan jirin. Laakiin taasi ma’ay waarin muddo dheer, bilowgii 1793 kii, ayaa dawladda Faransiiska ee uu hoggaaminayey Napoleon Bonaparte ay mid mid u laashay dhammaan xuquuqdii ay hore haweenka ugu ogolaatay ee badankooda ay sababtooda lahayd Olympe. Waxa kale oo ay xukuumaddu mamnuucday ururradii iyo iskaashatooyinkii haweenka, waxaana dumarka loo diiday in ay ka qaybgalaan kulmada golaha waddaniga ah (Baarlamaanka) iyo in ay isugu soo baxaan suuqyada. Waxa la laalay dhammaan xuquuqdii haweenka, waxaana si buuxda loo soo celiyey awooddii ninku u uku lahaa qoyska iyo qaranka Faransiiska labadaba, marka laga reebo xeerarkii la xidhiidhay furniinka.

Xilliyadaasi waxa ay ku beegnayd markii hoggaamiyihii lagu magacaabi jiray Maximilien de Robespierre oo ka mid ahaa dadkii ugu saamaynta badnaa kacaankii Faransiisku uu hoggaaminayey golihii sharcidejinta ee kacdoonka kaddib lagu beddelay baarlamaankii. Waxa uu aad uga shaqeeyey sugitaankii xaqa codaynta ragga oo ahaa in nin kasta oo qaangaadh ahi codkiisa siyaasadeed dhiiban karo, taas oo ana markii hore jirin, laakiin arrintaas oo u uku guulaystay marnaba kuma uu darin in haweenkuna ay xaqaas helaan. Waana tii sababtay in Kacaankii Faransiisku uu soo saaro xeerkii dumarka faquuqayey ee la magac baxay, ‘Xuquuqda ninka iyo muwaadinka”

Maximilien de Robespierre oo noqday xubin ka mid ah guddidii la baxday ‘Guddida badqabkad adweynaha’ waxa uu qaaday ol’ole natiijada ka dhalatay ay fogeynaysay dumarka, inkasta oo uu sida oo kale sameeyey dadaallo la aaminsan yahay in ay u gogol xaadheen mabaadii’da dimuqraaddiga ah ee dalka Faransiisku uu gaadhay markii dambe.

Ol’oleyaasha Maximilien de Robespierre iyo guddida uu ka tirsanaa ayaa galaaftay Olympe de Gouges’ iyada oo eersatay taageero la ogaa oo ay u haysay boqortooyadii distooriga ahayd ee Faransiiska, iyo diidmadii adkayd yaa ay kala hor timi habdhaqankii argagaxinta ahaa ee nidaamka cusubi ku dhaqmayey, gaar ahaan fogeyntii haweenka. Isla markaana joojin weyday in ay ku baaqdo xuquuqdii ay haweenka u raadinaysay.

Olympe de Gouges waxaa lagu xidhay amar ka soo baxay Maximilien, muddo kaddibna iyada oo xanuunsatay oo xaalkeedu aad u xun yahay, ayaa la hor keenay maxkamad xitaa qareen in ay hesho u diiday. Maxkamaddaas ayaa Olympe ku xukuntay dil qoor goyn ah, kaas oo lagu fuliyey 3-dii bishii Noofambar 1793 kii. Waxa aanay sidaas ku noqotay gabadhii labaad ee kacaankii Faransiisku dil ku fuliyo, waxaa ka horreeyey oo keliya Marie Antoinette oo boqoraddii hore ee dalka ahayd.

Olympe de Gouges maalintii la dilayey markii ay fuulaysay miiska qoorta lagaga jarayo, waxa ay ku dhawaaqaysay ereyadii u dambeeyey oo ahaa, “Muwaadiniintaydoow dilkayga u aar guda”