Madaxweyne Muuse Oo Baajiyey Safar Uu Maanta Ugu Bixi Lahaa Gobollada Bariga Dalka

0
744

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa baajiyey safar  isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa Maanta ugu kicitami lahaayeen Gobollada bariga dalka.

Ma jiro War Rasmiya oo Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay sababta uu Madaxweynuhu u baajiyey safarka isaga Weftigiisu Sabtida Maanta ugu kicitimi lahaayeen Gobollada bariga dalka, balse Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu Maanta ahaan kulan deg-deg ah isugu yeedhay Golaha Wasiirrada, kulankaasi oo lagaga tashan doono sida ugu suurto-galsan ee ay diyaaradaha Fly Dubai iyo Al-arabia ay mar kale shaqadoodii uga bilaabi lahaayeen Garoomada diyaaradaha ee Somaliland, ka dib markii Masuuliyiin iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda beesha bariga Burco ay Madaxweynaha ka codsadeen inuu xayiraadda

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in shirkaasi marka uu dhaco Maalmo ka dib uu tagi doono Gobollada bariga dalka, kuwaasi oo ay ku jiraan Togdheer, Oodweyne iyo Sool.

Sida Wararku sheegayaan Madaxweynaha ayaa waxa u qorshaysan inuu gaadho deegaanka Adhi-caddeeye oo ka mid ah Gobolka Sool, halkaasi oo lagu heshiisiiyey Beelo Walaalo ah oo muddo dheer Colaadi dhex taallay.