Dooddii Shalay Ee Madaxtooyada: Wasiirrada Ka Soo horjeeday Xayiraad Ka Qaadista Fly Dubai & Al-arabia Iyo Kuwa Soo Jeediyey In La Fasaxo

0
752

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamisay inay sii xayirnaadaan shirkadaha diyaaradaha ee Fly dubia iyo Al-arabia, kuwaasi oo la sheegay inaanu jirin heshiis Rasmiya oo ay hore ula galeen Hay’adda Duulista ee Somaliland.

Shir aan Caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada Somaliland Shalay ka yeesheen Arrimo ay Diyaaradahani ku jireen, ayaa aakhirkii lagu go’aamiyey in labadaa shirkadood sii xayirnaadaan, llaa inta heshiis rasmiya la galayaan Somaliland, soona qorayaan Raalli-gelin.

Ka hor ansixinta arrintan, sida Wargeyska Geeska Afrika loo sheegay waxa Xubnaha Golaha Wasiirradu ka yeesheen dood adag, waxaana Wasiirrada qaarkood soo jeediyeen in Xayiraadda laga qaado Shirkadaha Fly dubia iyo Al-arabia, halka Golaha Wasiirrada qaarkoodna soo jeediyeen aragti taa ka duwan oo ah inay sii xayirnaadaan, maaddaama oo aanu jirin heshiis rasmiya oo aanay la gelin Hay’adda duulista hawada.

Wasiirrada soo jeediyey in si shuruud la’aan ah Xayiraadda looga qaado Shirkadaha Fly dubia iyo Al-arabia waxa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirrada ay isku deegaanka yihiin ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku jira, halka ay soo jeediyeen inaan xayiraadda laga qaadin labadaa shirkadood Wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda duulista Hawada ee Somaliland iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Laakiin, dood adag ka dib, waxa Cod la geliyey labada Aragtiyood ee ay kala qabeen Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana Golaha Wasiirrada badankoodu u codeeyeen inaan xayiraadda laga qaadin, sida lagu faahfaahiyey War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo lagu yidhi sidan “Golaha Wasiirrada Somaliland iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay.

Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxaana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci maaddaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay diyaaradahaasi.

Sidaa awgeed, golaha wasiirradu waxa uu isku raacay:-

– In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.

– In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.

– In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha dalka.”