Falaagada Koonfurta Suudaan Oo Qabsatay Magaalada Bor

0
763

Fallaagada dalka South Sudan waxay sheegayaan inay dib u qabsadeen magaalada istaraatiijiga ee Bor.

Qabsashada ayaa imaanaysa saacado yar ka hor xilliga ay waddamada gobolka u qabteen dhinacyada ku daagallamaya dalkaas inay xabadda joojiyaan. Falaagada ayaa qabsashadaas ka dib waxay ogolaadeen inay ka qayb galaan wada hadalka ay Addis Ababa u joogaan xubno kala metalaya dawladda iyo falagaadaas.

Wareysi uu BBC-da siiyay ayaa madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar, waxaa uu sheegay in uu wafdi u dirayo Itoobiya si ay uga qeyb qaataan wadahadalka nabadda.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa hore u sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal shuruud la’aan ah. Balse waxaa uu meesha ka saaray inuu awoodda la qeybsan doono madaxweyne kuxigeenkiisii hore si loo soo afjaro dagaalka.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa sheegay in kuxigeenkiisii hore, Riek Machar, aanu xaq u lahayn inuu awood qeybsi uu ku hoggaamiyo dalka.

Shalay ayay ku eekayd xilliga ay dowladaha gobolka u qabteen labada dhinac ee ku dagaallamayo Suudaanta Koonfureed inay xabadda joojiyaan iyadoo madaxweynaha Yugaandha uu ka digay faragelin militeri.

Yoweri Meseveni ayaa sheegay in waddamada gobolka ay tallaabo militeri qaadi doonaan haddii ninka hoggaaminayo fallaagada ee Riek Machar uu diido xabadajoojin iyo wadahadal.

Waxaana muuqata in beesha caalamka aanay Yugaandha iyo waddamada gobolka ka horistaagi doonin inay faragelin militeri ku sameeyaan dalkaas.

Safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobeey, Gerard Araud, ayaa sheegay in Golaha Ammaanka aanu ka joojin doonin dalalka deriska la ah Koonfurta Suudaan inay ka qeybqaataan dagaalka halkaas ka socda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaadhaya 180,000 ay ku barakaceen dagaalka ka socda Suudaanta Koonfureed.