Taliyihii Xabsiga Lascanod Oo Puntland U Baxsaday Iyo Maxbuus Xabsiga Ka Fakaday

0
663

Lascanod(Geeska)-Taliyihii xabsiga Lascanod Cabdi Nuur Aden ayaa la sheegay inuu u baxsaday dhinaca maamul goboleedka Puntland, ka dib markii xilka laga qaaday.

Sarkaalkan ayaan la ogayn sababta baxsadkiisa keentay, laakiin waxa lagu xidhiidhinayaa inuu baxsadkiisu yimid ka dib markii uu xabsigaas ka fakaday mid ka mid ah maxaabiista ku xidhnaa, kaas oo loo malaynayo inuu si hoose u sii daayay, waxaana la sheegay inuu ka war helay baadhis lala maaganaa oo suurtogal ka dhigi lahayd in la qabto, waxaana la soo qabtay taliye xigeenkii xabsiga.

Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xiirane oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay dhawr goor isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaanay u suurtogelin. Hase yeeshe dhacdadani waa markii u horaysay ee uu taliye xabsi si qarsoodi ah u sii daayo mid ka mid ah maxaabiista u xidhnaa, isaguna uu dibadda u fakado, waxaan la isweydiinayaa kiiska uu ku eedaysnaa maxbuuska baxsaday, maadaama oo ay xabsiga Lascanod ku jiraan maxaabiis badan oo loo haysto dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacay magaaladaas.