Faham La’aanta Iyo Indho Ka Lalinta Waalidka Ayaa Sababta In Ilmaha Cudurka Nafsiga Ahi Ku Sii Fogaado

0
661

Picture10Riyaad (Geeska)- Inta badan qoysasku kuma baraarugaan xanuunnada nafsiga ah ee carruurta ku dhaca, sababtuna waa iyaga oo aan dhaadhsanayn in ilmaha ay mararka qaarkood ku dhici karaan xaalado nafsadeed oo ku dhaca dadka waaweyn, taasina waxa ay marar badan keentaa in carruur qabta xanuunno nafsi ah aan la geynin dhakhtarka kana dhalato in xaalkoodu uu sii xumaado oo hadhow marka ay weynaadaan la daweyn kari waayo.

Waa in waalidku aanu dhayalsan, haddii uu arko ilmihiisa oo waxbarashadu ku adag tahay, hadalka oo aad uga raga, afka uu u dhashay oo ku hadalkiisu ku adkaado, maahsanaan badan oo aad mooddo in uu meel kale ku maqan yahay ama gooni socod, is faquuqid badan, firfircooni lagu yaqaannay oo mar keliya meesha ka baxda, heerkii waxbarashadiisa oo hoos u dhaca, madax xanuun iyo calool xanuun badan oo uu ka cawdo, diidmo badan, cabasho iyo ashkato badan, iyo xitaa mararka qaarkood haddii uu ilmuhu maqlo codad aanay dadka kale maqlayn. Maadaama oo uu waalidku yahay dhakhtarka koowaad ee ay waajib ku tahay in uu si feejigan oo cilmiyeysan ula socdo koritaanka iyo xaaladaha nafsiyadeed ee ilmaha si xaalad kasta oo timaadda dhakhso wax looga qabto, waana xaalado ilmaha ku iman kara inta uu ka yar yahay 18 jirka.

Sababaha keeni kara:

Sida ay ku warramayso Digtoor Saahira Cabdillaahi Sanaan oo ah la taliyaha caafimaadka Nafsiga ah ee xarunta Al-Amal oo ku taalla dalka Sucuudiga ayaa sababaha ugu waaweyn ee carruurta xaaladdahan nafsiga ah ku keeni kara ku sheegtay:

– Isbeddel ku dhaca qaybo ka mid ah maskaxda, waxa aanay inta badan ku timaaddaa hidde.

– Xaalado ku yimaadda jawiga iyo deegaanka ilmaha ku xeeran, xaaladdan oo marar badan la bilaabata dhalashada ilmuhu siyaabaha ay ku timaaddo waxaa ka mid ah, xidhiidhka uu ilmuhu waalidkii la leeyahay oo aan fiicnayn, ama xidhiidhka labadiisa waalid oo aan fiicnayn iyo sidoo kale dhibaatooyinka bulsho iyo cadaadiska ka dhasha.

Ugu dambayntiina waxa ay Dr. Saahira sheegtay in xaaladahan inta badan si sahal ah uu waalidku u daweyn karo, waase haddii uu goor hore ogaado isla markaana uu fahamsan yahay siyaabaha nafsiga ah ee ilmaha loo dabiibi karo.