Facebook Oo Soo Kordhiyey Adeegyo La Tartamaya Youtube Iyo Loollana Adag Ee La Filayo In Uu U Bilowdo

0
729

Picture9Washington (Geeska)- Shirkadda facebook ayaa toddobaadkii hore daaha ka rogtay adeegyo cusub oo ay doonayso in ay ku soo biiriso adeegyada degelkeeda xidhiidhka bulshada, taas oo ah qorshe cusub oo ay doonayso in ay ku muquuniso shirkadda tartanku ka dhexeeyo ee YouTube oo hadda calanka u sidda wadaagista Fiidyowga ee Internet In kasta oo shirkadda YouTube oo ay leedahay shirkadda Google aanu hadda muran ka taagnayn in uu haysto adeegga Fiidyowga ee Internet ka, haddana waxa aan la dhayalsan karin shirkadda Facebook oo ah tan ugu shacbiyadda badan bar-kulannada bulshada ee internet ka, oo dhinaca baahinta maqalka iyo muuqaalka u qaadday tallaabooyin muhiim ah, kuwaas oo ay suurtogal tahay in ay ka diddo shirkadda Google.

Shirkadda Facebook ayaa bishii hore boggeeda ku soo kordhisay adeeg Fiidyow oo laga qaadayo xagal 360 digrii ah, bishanna waxa uu soo kordhiyey adeeg kale oo ah Fiidyowyada la soo jeediyey, kaas oo qofka u sahlaya in uu arko ama helo dhammaan Fiidyowyada bogga lagu soo bandhigay, oo weliba u muuqanaya qaab aad u nadiif ah, qurux badan isla markaana fudud.

Toddobaadkan ayaa uu Facebook mar kale daaha ka rogay adeeg macaamiisha u suurtogelinaya in ay daawan karaan Fiidyowga Facebook ku jira oo noqonaya daaqad yar oo dul sabbaynaysa shaashadda Kombiyuutarka isaga oo qofku dhanka kalana si caadiya isaga wada hawshiisii uu ka watay bogga gudihiisa. Waxa aanay hadda gacanta ku haysaa soo saarista adeeg kale oo isna suurtogelinaya in qofku uu joojisto Fiidyowga uu Facebook ka daawanayo, kadibna ku soo noqdo mar dambe oo uu haleelo isaga oo isla halkii uga sii soconaya oo aan dib u soo bilaabayn. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera waxa uu intaas ku darayaa in hadda farsamo yaqaannada Facebook ay gacanta ku hayaan adeegga ugu xiisaha badan oo ah in bogga Facebook lagu soo daro qayb qofka doonaya in uu Filimada ku jira oo keliya daawadaa uu tegi karo isaga oo aan u baahan in uu bogagga Facebook dhexgalo, waana markaas marka uu Facebook noqon doono YouTube kale.

Sannadihii ugu dambeeyey oo dhan shirkadda Facebook waxa ay wadday dadaallo ay doonaysay in ay xidhiidhka u jarto shirkadda YouTube oo hore loo soo marin jiray Fiidyow kasta oo la dhigayo Facebook. Imika kadibna boqolkiiba 70 Fiidyowyada cusub ee facebook la dhigayo si toos ah ayaa loogu qaadi doonaa, taas oo marka sannadkii hore la barbar dhigo ah horumar weyn oo uu Facebook u qaaday dhinaca qaadista Fiidyowyda. Dad badan ayaa aaminsan in tallaabadan uu Facebook qaaday ay tahay mid uu xididdada ugu siibayo shirkadda YouTube oo muddo adeegga Fiidyowga loo daba fadhiisanayey.