Facebook Waxa Uu Basaasaa Oo Uu Duubo Codk Qofka Ku Hadlaya Talefan U Furan Internet Ka Oo Uu Ku Jiro Facebook

0
672

1London (Geeska)- Farsamoyaqaanno ku xeeldheer tiknoolajiyadda ayaa dhowaan fashiliyey in adeegga facebook ee talefannada gacanta ee casriga ah lagu soo dejisto si facebook looga galaa uu leeyahay awood uu ku duubo codka qofka talefanka ku hadlaya. Waxa aanay ku taliyeen in qof kasta oo talefankiisa gacanta uu Facebook ugu jiro, uu aad u taxaddaro marka uu talefankan ku hadlayo, gaar ahaa marka uu Facebook furan yahay.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegee in Facebook haddii uu furan yahay marka talefanka lagu hadlayo uu awood u leeyahay in uu duubo cod labada qof is dhaafsanayaan, gaar ahaa waxa uu ugaadhsadaa kelmado marka hore lagu sii duubay oo loo sheegay in marka qofku ereyadaa soo hadal qaado uu duubo, kadibna codkiisa iyo cinwaanka boggiisa uu u diro facebook.

Arrintan oo dad badan oo talefannadooda gacanta ka isticmaala Facebook ku dhalisay shaki ayaa ay xeeldheerayaashu sheegeen in sababta ugu weyn ee Facebook basaasnimada u samaynayaa aanay ahayn in uu dawlado iyo sirdoonno u geeyo, balse ay tahay arrin isaga u dan ah, oo ah in uu ogaado bal hadda ereyada iyo magacyada ku badan hadal haynta qofkan si uu hadhow boggiisa ugu soo furo xayeysiisyada uu is leeyahay waxa ay xidhiidh la’ leeyihiin mawduuca labadan qof hadal hayeen.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in adeeggan Facebook ee talefanka gacanta ku jiraa uu awood u leeyahay in uu furo sameecadda talefanka, oo weliba uu furnaantaas ku daayo mar kasta oo uu qofku ku hadlayo iyada oo uu Facebook-gu u furan yahay, kadibna uu si toos ah ugu gudbinaya kombiyuutarka loogu talogalay in uu codkaas ka dhex raadiyo magacyada uu filayo in ay xidhiidh la’ leeyihiin ganacsiyada uu xayeysiiyo, si uu ofkaas boggiisa uu ugu soo diro shirkadahaas iyo ganacsiyadaas uu moodo in qofku hadalkiisa talefanka ku magacdhabay.

Wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska oo wax ka qoray warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa bilo badan k hor akhristayaashiisa uga digay in adeeggan talefankooda gacanta ku jira ee Facebook uu basaaso.

Shirkadda Facebook ayaa iyaduna dhinaceeda si adag u beenisay, warkan lagu sheegay in ay macaamiisheeda basaasto, laakiin waxaa haddana yaab leh in shirkaddu ay xaqiijisay in ay sameecadda talefanka qofka isticmaasho haddii uu u ogolaado xaqluhu.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in shirkadda Facebook oo keliya aanay ahayn shirkadaha macaamiishooda basaasta, waxa ay warbixintani sheegay in shirkadda Google lafteeduna ay sidan oo kale samayso, shirkadda caanka ah ee Microsoft ayaa iyaduna la mid ah. dhammaantood xog ayaa ay ka ururiyaan qofka macmiilka u ah.