Casharada Nolosha (10): Isu Dheelli-Tirka Arrimaha Ku Hor Yaalla Ayaa Ah Furaha Farxadda Nolosha

0
1080

1Hargeysa (Geeska)- Nin boqor ahaa ayaa wiil uu dhalay u diray nin aad u xikmad badnaa oo dadku cilmiga iyo talada ka raadsan jireen, waxa aanu ka codsday in uu wiilkas u baro bal hadda sirta farxadda iyo badhaadhaha nolosha.

Wiilkii boqorku dhalay oo u socday in uu xikmaawigan aabihii u diray cilmi ka soo korodhsado, ayaa yimid qasrigii uu deggenaa xikmaawigu oo ay ummad aad u tiro badani isugu timid. Dhammaantood waxa ay u socdeen hal u jeeddo oo ah in ay talo, iyo tusaale weydiiyaan ninkan Alle garaadka ku mannaystay.

Wiilkii oo muddo sugayey inta ay kalkiisa gaadhayso ayaa aakhirkii helay fursaddii oo soo galay qolkii xikmaawigu fadhiyey, laakiin intii aanu hadal kalaba dhex marin waxa uu xikmaawigii wiilkii ku amray in uu qasriga oo aad u weyna ku soo wareego oo qayb kasta oo ka mid ah soo arko, laba saacadood kadibna ku soo noqdo. Intaas kagama uu tegin ee xikmaawigu waxa uu wiilkii u dhiibay malqacad yar, oo ay ku jiraan laba dhibcood oo saliid ah, waxa aanu ku yidhi, labadaa saac ee aad qasriga dhex wareegayso malqacaddaas gacanta ku sid oo yaanay daadan saliidda ku jirtaa.

Wiilkii oo malqacaddii sita oo weliba si aad ah maskaxda ugu haya in uu ilaaliyo ayaa bilaabay socod qasriga dhexdiisa ahaa. Sallaamo ayaa uu koray, kuwo kale ayaa uu ka dhadhacay, meelo qurux badan, meelo cidhiidhi ah iyo meel kasta oo qasriga ka mid ah ayaa uu soo maray.

Markii uu ku soo wareegay qasrigii ayaa sidii ballantu ahayd uu dib ugu soo noqday ninkii xikmadda badnaa, oo markiiba weydiiyey, miyaad aragtay sijaayadda aadka u qiimaha iyo quruxda badan ee taalla qolka soo dhoweynta ee qasriga? Ma ku soo indho doogsatay beerta quruxda badan ee qasriga? Ma ku soo jiiteen kutubta heerka sarre ah ee ku rasaysan maktabadda qasriga? Wiilkii ayaa isku dhex daatay isaga oo la yaabban in qasrigii uu soo wada dhex maray, haddana aanu ku arag waxa uu ninkan xikmaawiga ahi tirinayo, waxa aanu u qirtay in aanu isagu waxaas oo dhan arkinba, isaga oo ugu cudur daartay in uu muhiimaddiisa koowaad ka dhigay sidii aanay malqacadda saliidda ah ee uu u dhiibay u daadan lahayn, maskaxdiisa oo dhanna taas isugu geeyey.

Ninkii xikmaawiga ahaa ayaa wiilkii ku yidhi, “Noqo oo soo kala baro qasriga. Suurtogal ma’aha in aad ku tiirsanaato of aan garanayn guriga uu deggen yahay” Wiilkii ayaa mar kale dib u noqday isaga oo markan xoogga saaray sidii uu u arki lahaa qaybaha kala duwan ee qasriga, xaradhk iyo sharraxaadda lagu qurxiyey, waxa uu soo daawaday beertii iyo ubaxii quruxda badnaa.

Kadib isaga oo markan si fiican qasrigii u soo kala bartay ayaa uu ku soo noqday xikmaawigii oo uu uga sheekeeyey wixii uu qasriga ku soo arkay oo dhan. Markii uu warkii dhammeeyey ee uu ku kalsoon yahay in uu markan tafaasiil buuxda keenay, ayaa uu xikmaawigii ku yidhi, “Laakiin mayee labadii dhibcood ee saliidda ahaa ee aan malqacadda kuu saaray, kuguna ballamiyey in aanad daadin?! Wiilkii oo dhaadanaa markii hore ayaa inta uu naxay eegay gacantiisa iyo malqacaddii uu siday, waxa aanu arkay in ay saliiddii dhammaan ka gorortay. Kadib xikmaawigii waxa uu yidhi, “Sirta farxadda nolosha lagu gaadhaa waa inaad aragto oo ku raaxaysato waxa quruxda badan ee dunida kajira, adiga oo aan marnaba iska daadinayn labadaada dhibcoodee saliidda ah!” Waxa aanu hadalkii ugu soo xidhay, “Anigu talada aan ku siinayaa waa taas.”

Wiilkii yaraa doqon ma’uu noqon ee si fiican ayaa uu u fahmay ujeedka xikmaawiga, oo ah in badhaadhuhu uu ku yimaaddo, “Isu dheelli tirka arrimaha ku hor yaalla” in qofku xaaladaha isu dheelli tiraa waa dawada ugu fiican ee uu kaga hortegi karo fashilaadda iyo murugada.