Guddoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Eedaynta Faysal Cali Waraabe

0
745

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa ka jawaabay eedaymo uu toddobaadkii hore u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Baashe oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sababta uu Faysal u eedeeyay tahay inay isku hayaan Dhaqaalihii xisbiyadu qaadan jireen oo Golaha wakiilladu ka yareeyeen.

Guddoomiye Baashe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Faysal wuxuu ka hadlay doorasho, wuxuu yidhi Baashe wuxuu diiddan yahay in la diwaangeliyo Dadka Sool iyo Sanaag, Anigu doorasho ma diiddan oo waanu rabnaa, wayna dhacaysaa.”

Guddoomiyaha golaha Wakiilladu waxa kale oo uu sheegay “Aniga iyo Faysal doorasho iskuma hayno, waxaanu isku haynaa wax aanan Anigu shaqo ku lahayn oo ah wax Golaha oo dhami qabeen, Xisbiyada mid walba 21 kun oo dollar baa la siinayey si Xisbiyada loo kobciyo, waxay ku soo beegantay markii Xanuunka Kuududiyuhu dalka haystay, markaa Xildhibaannada waxa u muuqatay inay Xisbiyada ku badan tahay in 21 kun oo dollar la siiyo, markaa Xildhibaannadu waxay garteen in Lacagtaa xisbiyada 50% looga gooyo Cisbitaallada, markaa ta uu faysal igu haystaa waataa, Anigu lacagta kama goynin ee Golaha oo dhan bay u taallay, haddii Ilaahay yidhaahdana Lacagtaasi Miisaaniyadda waa la wada jarayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Isagu wuxuu ku fadhiyaa (Guddoomiye-nimad UCID) wuxuu ku fadhiyaa Xeer anagu aanu qornay, Annaguna waxaanu ku fadhinaa Dastuur, markaa haddii uu ka waantoobi Faysal ahaan maayo guddoomiye, Guddoomiye Xisbi sidan uu yahay ku ahaan maayo, saddex doorasho ayuu galay saddexdiiba wuu dhacay, wuxuu doonayaa inuu mid afraad  (galo) waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu mid afraad isku taagin..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office