Qiimaha Isku Sarrifka Lacagta Shiinaha Iyo Lacagaha Qalaad Oo Jaahwareer Ku Riday Maraykanka Iyo Yurub

0
760

Dhaqaale yahanno badan ayaa aaminsan dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka iyo sababtiisa ugu weyni ay tahay dhaqdhaqaaqa lacagta shiinuhu samaynayso dhinaca isku beddelka doolarka.

Marar badan ayaa ay dawladda Maraykanku shaki ka muujisay in Shiinuhu isbedello gacan ku rimis ah ku sameeyo qiimaha isku sarrifka lacagtiisa iyo lacagaha Maraykanka iyo Yurub, si uu u xoojiyo wax dhoofintiisa. Inkasta oo ay dawladda Shiinuhu joogto u beeniso sheegashadaas Maraykanka.

Warbixin uu wargeyska Economist ee ka soo baxa dalka Ingiriisku dhowaan arrintan ka qoray ayaa uu shaaciyey in Shiinuhu uu sannadkan dabayaaqada ah sameeyey horumar dhaqaale oo aad u fiican. Warbixintu waxa ay sheegtay in Shiinuhu uu si dhaqso ah isaga caabbiyey fiditaanka Coronavirus ka, kana hortegey dhaqaale xumada uu adduunka oo dhan fayraskani ku keenay, isaga oo ku guulaystay in uu guulo badan gaadho soona jiitay maaliyad badan oo ah maalgashi shisheeye oo dunida Coronavirus ku dhaawacay ka soo baxsaday.

Sababaha guushan dhaqaale ee Shiinuhu gaadhay waxaa ka mid ah  lacagaha xoogga leh ee maalgashiga dalka ku soo galay sannadkan maadaama oo la soo eegtay faa’iidada weyn ee uu ganacsigiisu sameeyey. Arrintan waxaa sababaheeda ka mid ah warshadaha dalka oo si buuxda u shaqaynaya halka dalalka kale ee adduunka badankooda uu waxsoosaarkoodu hoos u dhacay intii lagu jiray Coronavirus ka.

Haddaba sida warbixintan lagu sheegay arrinta yaabka leh ayaa ah in sidii la filayey aanu dhaqdhaqaaqan dhaqaale keenin in lacagta Shiinuhu awood yeelato marka la barbar dhigo doolarka. Balse taas beddelkeeda kor u kaca iyo hoos u dhaca ay lacagta Shiinaha ee Yuwaanku samaysay  waxa uu si caadiya ula jaanqaadayey lacagaha kale ee Yuurada midowga Yurub, Yaanka Jabbaan iyo Doolarka Maraykanka iyo lacagta Jabbaan. Arrintaas ayaana abuurtay in la is weydiiyo su’aal ah in Shiinuhu uu gacanta ku rimiho qiimaha lacagtiisa oo aanay ahayn mid sida dabiiciga ah ku xidhan dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalka.

Warbixinta wargeyska Economist ayaa shaaca ka qaadday in faragelinta dawladda shiinuhu ku samayso qiimaha lacagteedu aanay ahayn mid hadda soo bilaabatay balse ay soo jirtay labaatankii sano ee u dambeeyey, waxa aanay si gaar ah isu dultaagtay sannadihii 2015 illaa 2016 kii, oo uu hoos u dhac aad u weyni ku yimi kaydka maaliyadeed ee Shiinaha kaddib markii maalagashato badnai dalka ka baxday laakiin aanay taasi waxba yeelin qiimihii sarrifka lacagtiisa iyo lacagaha kale ee qalaad.

Waxaana shaki badan laga qabaa in dawladda Shiinuhu ay arrintan u wakiilatay bangiyada dalka raasamaalkoodu tan iyo bishii Abriil ee sannadkan kor u kacay, maadaama oo ay bangiyada oo dhan dawladdu leedahay.