Faa’iidooyinka Beedka (3):Aragga Oo Uu Xoojiyo, Xasaasiyadda Iyo Qaabka Ay Tahay In Loo Kaydiyo

29
4025

Hargeysa (Geeska)- Laba cilmaadhisood oo muddo aad u dheer ay wadeen labada saamacadood ee Beijing dalka Shiinaha iyo Oxford oo Ingiriiska ah, ayaa ku soo dhammaaday natiijo dhiirrigelinaysa faa’iido caafimaad oo uu qofku ka helayo beedka oo uu xabbad maalinta kasta ka cuno.

Cilmibaadhayaasha labadan daraasadood waxa ay isku raaceen in xabbad beed ah oo maalin kasta la cunaa ay sabab u noqoto in ay hoos ugu dhacdo cabsida laga qabo in qofkaas uu ku dhaco Faalig, dhiigfuran maskaxda ah iyo xitaa xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga qaada.

Xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa ay sheegeen in qofka oo beedka uu toddobaadkii cunaa 5 xabbo gaadho ay boqolkiiba 12 hoos u dhacdo cabsida laga qabo in cudurka wadne xanuunku uu leeyahay.

Cilmibaadhayaasha daraasadahan sameeyey waxa ay meesha ka saareen cabsi hore u jiray oo laga sheego in kalastaroolka beedku uu khatar keeni karo haddii qofku isku badiyo cunistiisa, iyaga oo ku taliyey in beedka oo maalin kasta xabbad la cunaa ay u fiican tahay guud ahaanba caafimaadka.

– Beedka waxaa ku jira maaddooyinka Zeaxanthin iyo Lutein oo labaduba aragga ka ilaaliya hoos u dhaca iyo dhaawaca gabowgu ku keeno.

– Maadaama oo uu beedku leeyahay barootiin aad u badan, caadi ahaanan cuntooyinka aynu cunnaa u badan yihiin barootiin, waxaa muhiim ah in laga taxaddaro tirada beedka la cunayo ama noocyada cunto ee la’ la cunayo, waayo barootiinta oo jidhka ku badataa waxa ay culays ku keentaa shaqada kelyaha. Dhinaca kalana waxaa jirta daraasad sannadkii 2007 ka soo baxday hay’adda caafimaadka wadnaha ee dalka Ingiriiska, oo ku dardaarantay in qofku aanu toddobaadkii cunin wax ka badan 3 xabbo oo beed ah, iyaga oo taas uga jeeda in beedku uu leeyahay kalastarool, sidaa awgeed laga taxaddarayo in uu jidhka ku bato. Si kastaba ha ahaato ee talada caafimaad ee dhowaan ka soo baday hay’adda adeegga caafimaad ee qaranka oo isla dalka Ingiriiska ah ayaa lagu sheegay in inkasta oo uu beedku leeyahay kalastarool, haddana in xaddiga kalastarool ee laga filan karaa uu mar kasta ka yar yahay faa’iidada xad dhaafka ah ee uu caafimaadka u leeyahay. Waxa kale oo ay hay’addu sheegtay in ay muhiim tahay in beedka shiilistiisa aad looga taxaddaro, maadaama oo qaabka loo samaynayo, iyo saliidaha lagu isticmaalayaaba muhiim u yihiin caafimaadka, isla markaana la ogyahay in beedku uu aad u cabbayo saliida ama dufanka kale ee lagu shiilo, taasina ay khatartiisa sii badinayso. Waxa ay khubaradu sheegeen in beedku marka uu ugu fiican yahay caafimaad ahaan ay tahay marka uu karsan yahay.

Kaydinta beedka

– Iska jir in aad iibsato beed jaban ama dillaac leh, sida oo kale ha iibsan beedka boodhka badani dusha kaga dhacay ama aad dushiisa aad ku aragto wasakh u muuqata bakteeriya.

– Beedka isaga oo bogoskiisa ku jira, ku sii dhex rid tallaagadda, ama ku dhex rid weel weyn oo aad dusha baraf ka saarayso.

– Ka taxaddar muddada aad beedka haysanayso, adiga oo niyadda ku haya in muddada ug ubadan ee beedku aanu ku khaayisin / ku xumaanin ay tahay 28 maalmood, oo ka bilaabanaya taariikhda bogoska lagu soo guray.

– Waxaa muhiim ah in beedka marka la samaynayo aad looga ilaaliyo in milixdu ku badato.

Xasaasiyadda:

Waxaa dhacda in carruurta da’doodu ka yartahay 5 sano ay qaarkood beedka ku xasaasiyadootaan, waana suurtagal in dadka waaweyn laftooda lagu arko xasaasiyaddaas, in kasta oo ay iyaga toodu dhif tahay.

Xasaasiyadda beedka ka dhalataa ma’ sii dhibaato badna waa aana inta badan lagu gartaa: Afkaca oo casaan iyo barar lagu arko, Calool xanuun, matag iyo shuban.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here