Is Barbar-Dhiga Xukuumadihii Rayaale, Siilaanyo Iyo Golaha Madaxweyne Muuse Biixi & Faraqa U Dhexeeya Cugashada Saddexda Madaxweyne

186
13890

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu talada qaranka Somaliland hayaa muddo ah 182 maalmood, oo si kale u dhiganta lix bilood.

Madaxweyne Biixi wuxuu soo dhisay gole wasiiro oo ka kooban 32 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo wasiir-xigeeno, sidoo kalena agaasimayaal ayuu u magacaabay wasaaradahan. Waxa kale oo uu magacaabay qaar ka mid ah madaxda hay’adaha madaxa banana iyo kuwo kale ee qaranku leeyahay.

Masuuliyiinta uu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay golihiisa wasiirada, ayaa u badan wejiyo ku cusub saaxadda siyaasadda oo qaarkood dhallinyaro yihiin, waana talaabo aanay dad badani ka filayn Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo u muuqda inuu doonayo inuu saaxadda siyaasadda Somaliland ku soo kordhiyo wejiyo cusub islamarkaana uu shaqada qaranka ku tijaabiyo dhiig cusub.

Talaabadan, wuxuu Madaxweyne Biixi kaga duwanyahay labadii madaxweyne ee talada uga horeeyay oo uu mid ka mid ahi ku wareejiyay xilka. Madaxweyne Biixi wuxuu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee talada ku qabtay nidaam doorasho dimuqraadi ah, waxaanan halkan idiinku soo gudbin doonaa madaxweyne kasta iyo wasiiradii uu u magacaabay markii u horaysay ee xilka loo doortay.

Daahir Rayaale Kaahin

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii loo doortay Madaxweynaha Somaliland sannadkii 2003, wuxuu soo dhisay gole wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen

Edna Aden Ismaaciil, Wasiirka arrimaha dibadda

Axmed Xaaji Daahir Cilmi, wasiirka qorshaynta

Dr. Maxamed Siciid Gees, wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda

Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirka arrimaha gudaha

Cawil Cali Ducaale, wasiirka maaliyadda

Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka ganacsiga iyo wershadaha

Cabdillaahi Xuseen Iimaan, Wasiirka dib u dejinta

Cabdillaahi Maxamed Ducaale, wasiirka warfaafinta

Siciid Sulub Maxamed, wasiirka hawlaha guud

Rashiid Xaaji Cabdillaahi, wasiirka ganacsiga

Axmed-siilaanyo

Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu sannadkii 2010 soo dhisay gole xukuumadeed oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiintani.

Dr, Maxamed Cabdillaahi Cumar, wasiirka arrimaha dibadda

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, wasiirka arrimaha gudaha

Dr. Axmed Xaashi Oday, wasiirka xanaanada xoolaha

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirka maaliyadda

Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta

Samsam Cabdi Aadan, wasiirka waxbarashada

Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, wasiirka caafimaadka

Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), wasiirka warfaafinta

Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka duulista iyo hawada

Prof Ismaaciil Muumin Aare, Wasiirka cadaaladda

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, wasiirka diinta iyo awqaafta

Xuseen Cali Ducaale, wasiirka macdanta iyo tamarta

Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, doorashadii November 2017  markuu ku guulaystay wuxuu soo dhisay gole xukuumadeed oo ay tiradoodu tahay 32 xubnood, waxaana ay kala yihiin:

  1. Dr, Sacad Cali Shire Naaleeye Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
  2. Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faarax Wasiirka

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

  1. Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf Warsame Wasiirka

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

  1. Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirka

Wasaaradda Qorshaynta

  1. Maxamed Kaahin Axmed Maxamed Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  2. Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
  3. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
  4. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
  5. Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed Rooble Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
  6. Axmed Muumin Seed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha
  7. Cabdirashiid X. Ducaale Qambi Cabdalle Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud , dhulka iyo guriyeynta
  8. Yuusuf Mire Maxamed Nuux (Boos) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
  9. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
  10. Maxamuud Xasan Sacad Iidle (Saajin) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska
  11. Hinda Jaamac Xirsi Maxamed Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, arrimaha Bulshada
  12. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga
  13. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
  14. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
  15. Shugri X. Ismaaciil Maxamuud Baandare Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga
  16. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha
  17. Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed Wasiirka

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

  1. Cabdilaahi Abokor Cismaan Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka
  2. Maxamed X. Aadan Cilmi Maxamed Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka

Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka

Gunaanad

Haddaba Inkastoo ay kala duwanyihiin duruufihii madaxweynayaashaas hore iyo madaxweynaha wakhtigan talada haya, marka la eego wacyiga dhaqaale, siyaasadeed iyo dawladnimo ee jira, haddana farqiga u dhexeeya xukuumaddiisa iyo labadii ka horreeyey waa mid aan qarsoomi karin. Waxa ugu horreeya ee ka muuqanayaana uu yahay in labadii madaxweyne ee xilka uga horreeyeyba ay ka cugasho fiicnayeen, xukuumadihii ay bilowgii xilkooda dhiseenna ka tayo badnaayeen ta uu dhisay mudane Biixi.

Arrintaas oo dabcan oo saamayn ku leh hawlaha laga sugayo madaxweyne Biixi oo ay ugu horreyso in uu wax ka qabto wada jirka umadda, dhaqaalaha iyo xidhiidhka dibadda oo ah saddexda nabar oo wax ka qabashadooda iyo ka qabasho la’aanteedu saamayn toos ah ku leedahay masiirka dawladnimo ee Somaliland.

Waxaa muuqata in masuuliyiinta uu mudane Biixi u xushay in ay ka caawiyaan rumaynta qorshihiisii doorasho iyo wax ka qabashada arrimaha aynu kor ku soo xusnay ay yihiin kuwo aad uga waayo aragnimo yar, qaarkoodna uga aqoon iyo magac hooseeya kuwii masuuliyiintii dhiggiisa ahaa xusheen. Marka ay sidaas tahayna waxa ay abuuraysaa walaaca ah in laga baqo qabo in uu mudane Biixi garbihiisan ku gaadhi kari waayo halka uu doonayo in uu gaadhsiiyo qaranka iyo in uu wax ka qaban kari waayo saddexanka aynu xusnay oo ah nabarro imikaba dhaawac iyo dhiig bax ku ah qaranka. Gaar ahaan dhaqaalaha oo xaaladda aadka u liidatay ee uu mudane Biixi ugu yimi marka uu xilka la wareegay, ay muuqato in uu weli hoos uga sii socdo. Isku duubnidii umadda ayaa waxa iyadana saamayn ku yeelatay doorashadii madaxtooyada ee uu Madaxweyne Biixi ku guulaystay, waxaana la dareemayaa inaan weli daawo loo helin midaynta dadkii ay doorashadu kala qaybisay. Waa qodob laga sugayo madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Siyaasaddii dibadda ee mudane Siilaanyo oo awalba la dhaliilsanaa, imikana duruufaha gobalka ku soo kordhay iyo xawaaraha dunidu hore ugu sii socotaa qasab ka dhigayaan in uu uu fiiro gaar ah u yeesho, balse ay muuqato in aanu waxba ka beddelin, taas beddelkeedana dad badani aaminsan yihiin ba in Somaliland bulshadii caalamka aanay isku sin bannaanayn.

Nabadgelyada oo ah badeecadda ugu muhiimsan ee Somaliland rubuc qarni iibinaysay oo marka laga tago dagaalada xuduudka Soomaaliya ka furmay, ay dheer tahay colaadda bariga oo haba kala duwanaadaan ee, haddana labaduba wax ka qabasho u baahan.

Arrimahan iyo kuwa la midka ah ee horyaalla madaxweyne Biixi ee wax ka qabashadooda oo weliba dhaqso ahi waajibka tahay, waxa ugu horreeya ee ay inoo sheegayaan waa in madaxweyne Biixi u uu baahan yahay dib u cugasho in uu ku sameeyo gacanyarayaashiisa, gaar ahaan isku habboonaanta xilalka iyo ragga xilka loo dhiibayo iyo waayo-aragnimada siyaasadeed iyo aqoonta masuuliyiinta oo muhiim ah in la tixgeliyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here