Faa’idooyinka Caafimaad Ee Uu Leeyahay Xinnuhu Marka Madaxa La Mariyo

0
1348

Baadhitaano caafimaad oo lagu sameeyay xinnaha ayaa caddeeyay in xinaha oo madaxa la mariyo, gaar ahaan marka uu muddo qasnaado (Khamiiro) ay keento in uu madaxu ka nadiif noqdo Jeermiska, Bakteeriyada iyo cayayaanka, baadhitaanno caafimaad ayaa daahfuray in sidoo kale faa’idooyinkiisa ay ka mid tahay in uu qalajiyo wixii dufan saa’ida ah ee uu madaxu soo daayo.

Cilmi baadhayaasha sameeyay daraasadani waxa ay ogaadeen in xinnaha ay ku jirto maaddo wax nadiifisa oo aad u daawaysay Toxobta iyo wixii xanuun ah ee ku dhaca maqaarka sare ee madaxa. Xinnaha waxtarkiisu waxa uu sii bataa marka lagu daro Khal ama Liin Dhanaan. Waxa kale oo ay tilmaameen khubarada samaysay daraasaddu in Xinnaha loo isticmaali karo daawaynta Burooyinka, Cambaarta iyo nabarrada uu madaxu yeesho, waxa ay ku taliyeen in lagu dhoobo xinaha nabarada noocan ah. faa’idooyinka kale ee uu leeyahay xinnuhu waxa ka mid ah in uu yareeyo Safanta cagaha.