“Jujuub Iyo Lacag Laguma Bedeli Karo Doorashadii Sharciga Ahayd Ee SONYO”

0
667

Picture1Annagoo ah aqlabiyada shirweynihii SONYO ee shalay sida sharciga ah isu doortay, ka dib markii si badheedh ah loo horistaagay soo gunaanadka shirweynihii dalladda, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in xukuumadda Somaliland si toos ah u soo farogelisay doorashada hoggaanka dalada iyo habsami u socodkii shirka, iyagoo u adeegsanaya dhaqaalaha iyo awoodda dawladda ee ay umadda u hayaan, iyagoo si badheedh ah oo reeraysan u ololaynaya. Reer walba waxa loo diray masuulkii xukuumadda ugu jiray.

Sidaas daraadeed waxaanu cadaynaynaa in go’aankii aanu isku dooranay uu yahay sharci islamarkaana aanaan wax gorgortan ah ka galayn. Waxa kale oo aanu cadaynaynaa in xukuumadda Somaliland aanay si jujuub ah u qaban karin shir kale oo aan ahayn shirkaas ay aqlabiyadu isku dooratay, maadaama oo aanaan ahayn hay’ad dawladeed balse aanu nahay hay’ad bulsho oo madaxbanaan.

Waxaanu ka digaynaa natiijada ka dhalan karta kulan ay xukuumadu dabada ka riixayso oo la qoondeeyay in si jujuub ah loo qabto, iyadoo la adeegsanayo hantidii iyo awoodii dawladda. Waxaanu la yaabanahay xukuumadan ay ka nabadgeli weyday doorashadii ururada bulshadu sida ay uga nabadgeli doonto doorasho ay kula tartamayso asxaabta ka soo horjeeda.

Waxa warsaxaafadeedkan saxeexay 14 urur oo Hargeysa ah, shan Togdheer ah, Afar sanaag ah iyo shan gobalka Sool ah.