8 Nooc Oo Saaxiibbada Ka Mid Ah In Aad Haysataa Noloshaada Ayaa Ay Lagama Maarmaan U Tahay

0
1856

Hargeysa (Geeska)- In qofku aanu yeelan saaxiib waxa ay u xun tahay caafimaadkiisa nafsiga ah iyo kan maskaxeed waxa aanay khubarada arrimahan ku xeel-dheeri sheegaan in saaxiibku uu yahay fursad uu qofku ku dhadhamin karo macaanka iyo farxadda nolosha, la’aantiina ay ku adkaanayaan dhinacyo badan oo nolosha ka mid ahi.

Xeel-dheerayaasha cilmiga bulshada iyo cilmi nafsiguna waxa ay mar kasta qofka kula taliyaan in uu yeesho saaxiibbo kala duwan, oo wadar ahaan iyo waaxid ahaanba uu ula kulmo, sheeko wadaag iyo iskaashina ula leeyahay. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa kula wadaagayaa maqaal uu qoray wargeyska The Huffington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo bandhigaya siddeed ka mid ah noocyada ay saaxiibbadu yihiin oo ay khubaradu sheegeen in aanu qofku noloshiisa uga maarmi karin:

1. Saaxiibka ugu wanaagsan ee daacadda ah: Mararka qaarkood saaxiibkaaga ugu wanaagsan ee daacadda ahi waa sababta keliya ee aad maskaxdaada fayoobideeda ku ilaashan karto. Qof kastaa waxa uu u baahan yahay saaxiib aan xakame iyo naqdi badnayn oo wax kasta oo ka yimaaddaba taageera. Saaxiibka noocan ahi waxa uu qofka u yeelaa muuqaal ah in uu wanaagsan yahay xataa mararka qaarkood isaga oo aan sidaa ahayn. Waa qof og sirta ugu xun ee qofka, haddana weli jecel, oo aanay saamayn ku yeelan saaxiibtinimadii uu u hayey.

2. Saaxiib aan biqin: Waxa aynu ku noolnahay duni ballaadhan, oo ay jiraan meelo badan oo la tegi karo, dad badan oo la baran karo iyo waayo-aragnimo badan oo la korodhsan karo, iyada oo ay sidaas tahay haddana qaar badan oo innaga mid ah ayaa ku dheggan noloshooda joogtada ah oo aan jeclayn is-beddelka. Dhammaanteen waxa aynu u baahannay saaxiib bannaanka inooga soo tuura dhufaysyada nolosha oo ian bara afkaar cusub, dhaqanno cusub iyo falsafado ka duwan inta aynu ku dheggenayn isla markaana ina bara in ay jiraan wax ka duwan intan aynu caadada ka dhigannay oo la qaban karo, ama meelo kale oo la tegi karo.

3. Saaxiib qallafsan: Marar badan oo nolosheenna ka mid ah waxa aynu u baahannay in aynu maqalno runta qallafsan ee laga yaabo in aynaan jeclaysan dhegeysigeeda. Waa markaas marka uu qofku u baahan yahay saaxiib dhiirran oo ay khubaradu ku tilmaameen daacadnimo waxshnimo ah in uu leeyahay.  Haddii aad xidhiidh aan fiicnayn aad dadka la leedahay ama dhacdhacaagu badan yahay, amaba aad naftaada qaladaad ka gelayso waxa ay u dhowdahay in dadka oo dhami ay kuu sheegaan in aad saxan tahay. Waa markaas marka aad u baahan tahay saaxiib daacadnimadiisu waxshimo leedahay oo si bahalnimo ah oo qallafsan kuugu sheega in aad iska bixiso muraayadda khayaaliga ah ee wax kasta cagaarka kaaga dhigtay, in aad joojiso riyo maalmeedka oo aad runta ku soo daadagto.

Waabay adag tahay ee, haddii aad hesho saaxiib si bahalnimo iyo kakanaan ah runta kuugu sheegi kara, ku fara adayg, waayo qof noocaas ah in aad heshaa waa ay hawl badan tahay. La soco…