Eng. Maxamed Xaashi Oo Ka Digay Aasaaska Ciidanka OPU, Kana Hadlay Hanaanka Cadaaladeed Ee Dalka Iyo Sida Miisaaniyada Wasaaradaha Loogu Kala Sad-buriyo

0
411

Picture7Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland ayaa ka digay halista ka dhalan karta aasaaska ciidamada OPU ee uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan aasaasay.  Eng: Maxamed Xaashi oo ka hadlayey munaasibad xisbiga UCID ku soo dhawaynayey taageerayaal cusub oo ku soo biiray xisbigooda, ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee maanta dalka jirtaa ay tahay cadaalad  darada iyo dhaqaalihii wadanka oo si qaldan loo isticmaalayo.

 Ugu horayn Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlaya  baahida Somaliland u qabto in la helo cadaalad ayaa waxa uu yidhi “Waxaan qabaa baahida u weyn ee dalkani qabaa inay tahay cadaalad, baahi cadaaladeed ayuu dalkani qabaa, cadaladu waa ta nabad galyada dhalisa, nabad galyo iyo horumarna lama gaadho haddii aan cadaaladi jirin, horu marna la gaadhi maayo burburna laga baaqsan maayo haddii aan cadaaladi jirin, nin kasta oo digdaytar ah oo wax is mooda cadaalada darada ayuunbaa rida aakhirkana waxa uu ku danbeeyaa baaba, cadaala darada maxkamadaha iyo sida xaalku yahay  waa mid aan loo dul qaadan Karin, madaxda xisbiga Ucidna waxaan u soo jeedinayaa inay iska ilaaliyaan balan qaad aanay fulinayn.” Ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi Cilmi Sidoo kale  Eng: Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ka hadlay sida ay iskugu xidhan yihiin cadaalada, nabad galyada iyo arimaha kale ee horumarka lagu gaadho waxaanu yidhi “Nabad galyada iyo cadaaladu waa lagama maarmaan  horu markuna waa la mid, haddii aad imika u fiirsataan inta wasiir guri dhisanaysa ama xildhibaan guri dhisanaysa waad arkaysaan inay inagu bilaabantay booli qaran oo la boobayo daarihii, dhulkii iyo wixii umadu lahayd, waana astaan xun oo dalkani aanu istaahilin, dagaal iyo burbur ayeynu ka soo kabanay waxaanay ahayd in shilin kasta oo aynu helno meel la galino, busaaradani inama hayso  dalkuna wuu inagu filan yahay haddii si wanaagsan wax loo qaybinayo.” Dhinaca kale mar uu ka hadlayey arimaha dhaqaalaha waxa uu sheegay inuu wadanku u qaybsamay laba dabaqadood oo kala sareeya taasina aanay ahayn mid u fiican dadka “Waxaynu u qaybsanay laba dabaqadood, dabaqad iskugu faanta intaas oo milyan ayaan haystaa iyo dabaqad aan dabka loo shidin, waanad ogtihiin oo dhalinyarada waxa haysta shaqo la,aan balaadhan, waxaanay u baahan yihiin shaqo abuur, hooyada  laga nixinayo ee la dhagaysiinayo ilamaheedii oo la toojar garanayo wax la dhayalsan karo maaha, cid ka hadlaya oo xukuumada ah oo leh waxaas ayaan dhalinyarada u qabanaynaana ma jirto, waana nasiib darooyinka jira.” Waxa kale oo uu ka war bixiyey sida miisaaniyada dawlada muhiimada loogu kala siiyo wasaaradaha wax soo saarka leh iyo kuwa kale waxaanu yidhi “Miisaaniyada marka la  qaybinayo wasaaradaha wax soo saarka leh ayey tahay in loo badiyo budget-ka si ay wax soo saar u sameeyaan, mana dhici karto in 3% beeraha, caafimaadka la siiyo 4%, tacliinta la siiyo 8% waana wax aan waxba loogu qaban Karin.”

Eng:- Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay sida aan qalabka warbaahinta dawlada loogu ogolayn inay ka hadlaan siyaasiyinta mucaaridka ahi waxanu yidhi “Markii aan wasiirka ahaa ayaa laygu yidhi raadyow ayaa loo baahan yahay oo sanad kasta miisaaniyada lagu dari jiray, waan soo iibiyey maantana layma ogola inaan ka hadlo, wixii aad dadka u sheegi lahaydna sii dayn maayaan.”

Ugu danbayntiina waxa uu ka hadlay arimaha doorashooyinka iyo halis uu sheegay inay ka dhalan karto ciidanka cusub ee OPU, waxaanu yidhi “Waxa weeyaan imika doorasho ayeynu radinaynaa, waxaan u malaynayaa inaanay dawladani ku talo jirin in doorashadaas la qabto, mid kale oo ka sii xuna waxay ka socotaa ciidamadan loo abuurayo shiidaalka, waana RRU-da nooceedii oo dadka lagu cabudhinayo.”