Ereyo Ay Odhaahdood Caan Ku Yihiin Dadka Niyaddasan Ee Doonaya Dadka Ku Xeeran In Ay Farxad Geliyaan (Q.2)

0
744

Saaxiibtinimadu waa ay waartaa mar kasta oo aad qofka saaxiibkaa ah fursad u siiso in uu kaaga warramo waxa maankiisa ku jira, ama aaminsan yahay iyo in uu waayoaragnimadiisa kula wadaago.

  1. Wax cusub baan kaa barayaa:

Marka uu qof kuu sheego arrin ku xiise gelisa, ha kala bakhaylin in aad u sheegto sida aad arrintaas u danaynayso. “Hab fikirkaaga ayaan jecelahay” … “Mar kasta oo aan kula kulmo wax cusub baan kaa bartaa” .. “Taloow fikirkaas iyo taladaasi halkay aniga iga dhaafeen markii hore” waa ereyo odhaahdoodu fududahay, laakiin qofka ku abuura dareen sarrayn iyo inuu dareemo muhiimadda uu leeyahay, sidaas awgeed weligaas ha dayicin fursadda aad qofka dareenkaas ugu hibaynayso, abaal gudka aad helaysaana waa maankiisa oo aad kasbato.

  1. Kulankeennii u dambeeyey ayaad arrintaas iga warrantay:

Ammaanta ugu weyn ee aad qof u jeedisaa waa in aad u sheegto in aad u dhegraaricinaysay hadal uu kuu sheegayey. Tusaale ahaan arrin ku dhacay oo mashquul badan ku hayey ayaa aad mar dambe weydiisay sida uu arrintii isaga xalliyey. “Kulankeennii ug udambeeyey arrintaas ayaa aad ii sheegtay, hadda ma dhammaatay, maxaad se ku xallisay?” … “Arrintii aad iga warrantay markii isugu keen dambaysay, hadda maxaa ay ku dambaysay?”  … “Markii isugu keen dambaysay waxa aad ii sheegtay mashruuc cusub o oaad bilowday, halkee uu marayaa, sidee se xaalkiisu yahay?” .. “Waa adigii I isheegay in ay hooyo xanuunsanayso , sidee hadda caafimaadkeedu yahay?” su’aalahan iyo kuwa la midka ah ee qofka tusaya in aad danaynayso ama hoos u xaal ogtahay waxa ay ku abuuraan kalgacan dheeraad ah iyo in uu laabtiisa kuu furo.

  1. Taladaada waan qaatay:

Dareen farxadeed oo weyn ayaa ay qofka ku abuurtaa marka aad uga warranto in talo uu ku siiyey ay sabab u noqotay in aad arrin si sax ah u gudato ama guul ku gaadho. Weligaa ha ka bakhaylin in aad qofka u sheegto talo uu ku siiyey oo ku anfacday. Dadku waxa ay jecel yihiin in talo la weydiiyo, waanay ku farxaan in taladooda la qaato. Waxa se ay ka sii jecel yihiin in looga waramo waxtarka ay taladiisii yeelatay, iyo saamaynta togan ee ay nolosha qofka ku yeelatay.

  1. Waan kuu boholyoobay

Mar kasta oo aad qofka kala fogaataan, xidhiidhkiinuna yaraado, farriinta qofka aad u dirtaa waxa ay u leedahay qiime gaar ah. tusaale ahaan farriin taleefan ama dhambaal Email ka aad uga dartay oo aad uga warramayso sida aad ugu xiistay, waxa ay ku abuuri doontaa farxad weyn.

Weligaa qof aad kala fogaateen oo aad xusuustiisa kalgacal iyo xiisaha aad u qabto aad u boholyawday ha ka qarin, waa farriin ilbidhiqsiyo aad ku qori karto, adiga oo xaalkaaga uga warramaya isagana xaalkiisa ka waraysanayaa waxa ay ku abuurtaa farxad, waxa aanay u dhowdahay in saaxiibtinimada qofkaas idinka dhexeeya ay ka dhigto mid abadiya ah.

  1. Arrintaas ayaan kugu jecelahay:

Qof kastaa waxa uu leeyaha yarrin uu aad ug ufiicanyahay, sida uu u leeyahay dhaliilo. Qofka aad danaynayso ku dadaal in aad baadho meelaha uu u fiican yahay, kaddibna uga warran una qiro sida aad uga heshay iyo ixtiraamka aad ugu hayso. Waxa ay ku beeraysaa kalgacal hor leh iyo in uu qalbigiisa kuu furo. Tusaale ahaan afka Ingiriisiga oo aad ogeyd in uu barto ku hadalkiisana aanu aad ugu fiicnayn, ayaad aragtay in uu aad isaga dhisay. Ha kala bakhaylin in aad ku tidhaahdo, “Waan ku faraxsanahay sida quruxda badan ee aad u dhistay ku hadalkaaga afka Ingiriisiga.

Waxaa la mid ah qofka oo aad ku ogtahay macaamil wanaag iyo dad la dhaqan wacan, “Waan ka helaa sida quruxda badan ee aad dadka ula macaamisho” intaas ama ereyo la mid ah oo aad ku tidhaahdaa albaab muhiim ah oo qalbigiisa ka mid ah ayaa ay kuu furaysaa. Xidhiidhkiinana si weyn ayaa ay u sii xoojinaysaa.

  1. Kartidaadaan jecelahay\

Adduunyada kuma arki kartid qof lagu yidhi, “Waxaa kugu jira karti iyo tamar ballaadhan, in aan waqti kula qaataana waxa ay igu kordhisaa firfircooni iyo wanaag” ama “Waxa aan ka helaa firfircoonidaada” ama “Togannaanta aragtidaada ee joogtada ah ayaa I farxad gelisa” waa ereyo mararka qaarkood u muuqda in ay yihiin ka badbadin iyo faanin, laakiin waxa ay khubarada cilmiga bulshadu sheegayaan in ay tahay hab aad u fiican oo lagu kasban karo qalbiga qofka, laguna xoojin karo xidhiidhka.

  1. Markii aan waxaas arkay ama hadalkaas maqlay adiga ayaan ku xasuustay:

Marar badan ayaa ay dhacdaa in shay aynu aragnay ama hadal aynu maqalnay ama xasuusannay uu ina xasuusiyo qof kale, laakiin aalaaba qofka aynu xasuusannay lama hadalno ama haddii aynu la hadalno uma sheegno waxa ayun ku xasuusannay. Laakiin culimada xidhiidhka cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in qofka aad la hadashay oo aad u sheegto sababta fiican ee aad ku xasuusatay ay ku beerayso kalgacal dheeraad ah iyo in uu si niyad ah qalbigiisa kuuguy furo. Waxa ay ku abuuraa xiise iyo qiire saaxiibtinimo oo dheeraad ah.

Dadku sidoodaba waxa ay jecel yihiin waxa aanay filayn ee sida kediska ah u soo gala ama loo xasuusiyo. Sidaas awgeed in aad kedis kaga dhigto xidhiidhka oo haddana aad kedis kaga dhigto xasuusinta arrin uu illowsan yahay oo aad ku xasuusatay, waxa ay abuurtaa dareen xooggan oo jeclaysiiya xidhiidhkaaga.

  1. Dookhaaga ku mahadsanid .. heersare ayaad tahay:

Haddii aad rabto in aad saxiib fiican kasbato, qalbigiisana farxad geliso si fiican u dhegeyso. Haddii aad muddo kala maqnaataan u sheeg wax kasta oo wanaagsan oo u soo kordhay muddadaas. “Waqti dheer ayaa isugu keen dambeeyey, runtii heersare ayaad noqotay / Waad quruxaysatay” ereyadan iyo kuwa la macnaha ahi waxa ay xoojiyaan niyadwanaagga qofka. Dhammaad