Warbaahinta & Khuburrada Dawladda Masaarida Oo Ka Hadlay Shakiga Itoobiya Ee Saldhigga Millateri Ee Qaahira

0
778

Hargeysa (Geeska) – Qaar ka mid ah Khuburrada iyo Warbaahinta Masaarida ayaa ka hadlay dareenka Cadhada iyo shakiga ah in Dawladda Masar ay Saldhig Millateri waydiisatay Somaliland.

Wargeyska Al-Monitor oo ka soo baxa Masar ayaa Toddobaadkan Qoray War-bixin uu Ciwaan uga dhigay ‘Itoobiya oo ka cadhootay Saldhig Millateri oo la sheegay in Masar ka samaysanayso Somaliland’, waxaanu Wargeysku sheegay in dareenkaas cadhada leh ee Itoobiya uu daba socdo Wefti Masaari ah oo tagay Somaliland, lana kulmay Madaxweynaha JSL, kuwaas oo Warar aan la xaqiijin sheegeen inay ka wada-hadleen Qorshe ay Masar ku doonayso inay Saldhig Millateri ka samaysato Somaliland.

Wargeyska Al-Monitor wuxuu sheegay in Warkaasi oo aan ka soo bixin Dawladda Masar laga soo xigtay Warbaahin laga leeyahay Dalka Kenya, iyadoo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya Dina Mufti uu 27-kii bishii July, 2020 si adag uga jawaabay Warkaasi.

Maj. Gen. Abdul Menhem oo ah Taliye hawl-gab ka noqday Ciidammada Masar ayaa Wargeyska u sheegay in Dawladda Itoobiya doonayso in Dunida kale iyo Afrikaanka ay ka horkeento Masaarida, iyadoo u tusaysa in Dawladda Itoobiya dhinac laga wada yahay.

Maj. Gen. Abdul Menhem wuxuu sheegay in Wararka Itoobiya ee ah Masar inay Saldhig Ciidan ka doonayso Somaliland aanay ahayn kuwo sax ah oo run ku fadhiya.

Hani Raslan oo isna ah Khabiir Jaamici ah ayaa Wargeyska u sheegay in aanay Itoobiya xaq u lahayn inay faro-geliso Cidda ay Masar ilaaqaadka la yeelanayso.

Jamal Zahran oo ah Khabiir bartay Cilmiga Siyaasadda ayaa isaguna Wargeyska u sheegay in Itoobiya ay diblumaasiyadda iyo Hanaanka Nabadeed ee Masar u marayso Xal u helidda khilaafka Webiga Niil kaga jawaabayso Been abuur ay samaynayso.