Erdogaan Oo Wacad Ku Maray In Dalkiisa Uu Ka Dhigo 10 Ka Dal Ee Ugu Dhaqaalaha Badan Adduunka

0
765

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in dalkiisu uu ku guulaysan doono ka mid noqoshada tobanka dawladood ee duniga ugu horreeya dhinaca dhaqaalaha.

Erdogaan oo ka qaybgalayey munaasabad lagu xusayey geeridii aasaasihii jamhuuriyadda Turkiga Mustafe Kamaal Ataaturk, waxa uu sheegay in dalka Turkiga la saaray cunaqabatayn liidata kaddib markii ay sii xoog badan u sii wadday dagaalkii gobannimada ee ay bilowday hal qarni ka hor.

Madaxweyne Erdogaan waxa uu sheegay in dagaalkiisu uu halgan taarikhi ah kula jiro kuwo uu sheegay in ay jecel yihiin in ay Turkiga ka dhigaan dal maxbuus u ah damaca shisheeyaha ee casrigan. Waxa se uu ka digay in cidyow aanu magacaabin oo beegsanaysa dhaqaalaha Turkiga ujeedadoodu ay tahay in ay dilaan ilaha dhaqaale ee dalka Turkiga.

Erdogaan waxa uu sheegay in ay kor u kacday tirada shirkadaha yaryar ee ay ka shaqeeyaan 10 qof iyo ka badan,  kuwaas oo halkii ay bilowgii aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga ka ahayd 560 shirkadood, in ay maanta marayso 185 kun illaa 840 halkii ay hore ka ahayd 185 kun oo shirkadood. Shirkadaha darajada dhexe ah ee ay ka shaqeeyaan 150 qof ama ka badan in tiradoodu ay marayso 26 kun iyo 450 qof, iyo shirkadaha waaweyn ee ay ka shaqeeyaan dad tiradoodu ka badan tahay 250 oo maanta maraya 5060 shirkadood.

Erdogaan waxa uu sheegay in maalgashiga shisheeyuhu ku leeyahay dalka Turkigu uu 18 kii sano ee u dambeeyey marayey 223 Bilyan oo doolar. Waxa aanu ku faanay in maamulkiisu uu ciidamada Turkiga ka badbaadiyey waxa uu ugu yeedhay quwadaha sharka ee dibadda iyo gudahaba, kana dhigay hay’ad wadaniya oo guulba guul uga gudubtay.