Soomaaliya: Wasiirkii Arrimaha Dibedda Oo Xilkii Laga Qaaday

0
719

Muqdisho (Geeska) – Raysal-wasaaraha Dawladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha dibedda Amb. Axmed Ciise Cawed.

Raysal-wasaaraha ayaa Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya u Magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal Caawa lagu baahiyey Bogga uu Twitter-ka ku leeyahay Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Lama oga waxa sababay xil ka qaadista Wasiir Axmed Ciise Cawed, balse xil ka qaadistiisa ayaa ku soo beegantay, ka dib markii uu Wasiir Cawed  uu Twitter-kiisa ku beeniyey War Shalay lagu baahiyey Twittwr-ka Wasaaradda arrimaha dibedda Dawladda Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in Dawladd Soomaaliya ka walaacsan tahay xaaladda ka taagan dalka Itoobiya isla-markaana taageersan tahay Midnimada Itoobiya – kuna baaqayso in Xaaladda taagan lagu dhameeyo Wada-hadal.

Geeska.net/Hargeisa Office