Hababka Ugu Habboon Ee Uu Waalidku Uga Qayb Qaadan Karo In Ilmihiisu Waxbarashada Ku Sarreeyo

0
573

Picture8Hargeysa (Geeska)- Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku gudo jiro waxbarashadu waa in uu noqdo arday waxbarashada ku fiican oo ka dhex muuqda ardayda dhiggiisa ah, isla markaana tacliinta uu baranayaa ay noqdo mid uu mustaqbalka ku intifaacsado noloshiisa. Laakiin nasiib darradu waxa ay tahay in inta badan ay waalidka ka qaldan tahay hannaanka ugu fiican ee uu ilmihiisa uga caawin karo in uu noqdo arday waxbarashada ku sarreeya. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa ugu soo koobayaa dhowr arrimood oo ay khubarada waxbarashadu sheegeen in ay fiican tahay in waalidku uu sameeyo si uu ilmihiisu u noqdo mid waxbarashadiisu fiican tahay:

1. In qalbiga loo dejiyo: Waa in waalidku ku dadaalo in ilmihiisu uu mar kasta ku jiro jawi aanay ku dheehnayn dareen ah in uu dembi galay, ama shucuur cabsiyeed oo uu ka qabo in lagu ciqaabayo gef uu sameeyey. Shucuurta cabsida ah ee ilmaha ku beerantaa waa caqabadda ugu weyn ee ka hor istaagta in uu waxbarashada guul ka gaadho.

2. In tamartiisu mar kasta sarrayso: Qof kasta waxaa ku abuuran tamar aad u badan, laakiin waxa ay u baahan tahay kulaylkii iyo dhiirri-gelintii qarxin lahaa tamartaasi si ay qofka u anfacdo, suurtogalna ma’aha in aynu nolosha guulo ka gaadhno innaga oo aan tamartaas ka faa’idaysan. Haddaba waxa ay khubaradu kula talinayaan waalidka iyo guud ahaanba qoyska in ay dhiirrigeliyaan oo ay firfircooni joogto ah ku abuuraan tamarta ku duugan ilmahooda ardayga ah. iyo in ay si joogto ah kor ugu qaadaan hammigiisa, hiigsigiisa iyo riyadiisa, una tilmaamaan jidka haddii uu ku socdo ay suurtogal tahay in uu dhaqso ugu gaadho guusha uu rabo.

3. In xidhiidh fiican uu la yeesho dadka: Sida caadiga ahba in qofku uu xidhiidh fiican la leeyahay dadka kale waxa ay ka mid tahay tiirarka aas-aaska u ah in qofku uu shakhsiyan guul uga gaadho nolosha. Waxaa jirta aaminsanaan qaldan oo ay qoysaska qaar qabaan, taas oo ah in ilmuhu aanu u baahnayn xidhiidh bulsho, iyo in saaxiibbo uu yeeshaa ay keliya waqtiga ka luminayso, saamayn tabanna ku yeelanayso waxbarashadiisa. Laakiin khubaradu waxa ay hoosta ka xariiqeen in aaminsanaantaasi ay tahay qalad, balse keliya loo baahan yahay in waalidku uu ka shaqeeyo sidii xidhiidhka bulsho ee ilmihiisu samaynayaa uu u noqon lahaa mid caafimaad qaba, kuna eeg xuduudka ku habboon da’diisa.

4. Cunto caafimaad qabta: Cunto caafimaad qabta oo la qaato waqtiga ku habboon iyo xaddiga ku habbooni waxa ay ka mdi tahay curiyeyaasha ugu muhiimsan sarraynta waxbarasho ee ilmaha. Mar kasta oo uu ardaygu helo cunto ku filan oo leh curiyeyaasha iyo maaddooyinka cunto ee ku habboon caafimaadku waxa ay kor u qaadaysaa firfircoonidiisa, hab-sami u shaqaynta maskaxdiisa iyo xusuustiisa oo xoogaysata. Khubaradu waxa ay waalidka kula talinayaan in ardayga subaxdii marka uu dugsiga u baxayo  la siiyo quraac ku filan oo ay ku jiraan maaddooyinka iyo curiyeyaasha cunto ee uu jidhkiisu uga baahan yahay barootiinta iyo faytamiinnada labadaba.