Eng. Kayse Yuusuf Oo Ka Digay In Wershada Korontada Hargeysa Lagu Wareejiyo Ganacsato Gaar Ah

0
522

Picture1Hargeysa(Geeska)-Eng. Kayse Yuusuf Cali, oo ka mid ahaa madaxda xildhibaanadii hore ee golaha deegaanka Hargeysa, ayaa xukuumadda uga digay inay cid gaar ah ku wareejiso shirkadda Korontada Hargeysa, oo uu ku tilmaamay hanta qaran.

Eng. Kayse, oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, wuxuu yidhi  “Waxaan Dadwaynaha uga Digayaa Ay arintani Khusayso inaanay Aqbalin in Shirkada Laydhka Lagu wareejiyo Gacan Shakhsi,waxaana Gacanta ka baxaya wixii umada ka dhaxaysay oo Hanti qaran Ahayd,Markaas Qofkii Lagu wareejiyaa Bulshada Degta Xaafada Axmed Dhagax Kama Aqbali Doonaan,Tana Maaha Hantidii ugu Horaysay ee ay Cuntay Xukuumadan Aan Moodayn In ay Bari Jiridoonto,Xukuumadani waa tii ugu Liidatay Dalka Somaliland soo marta.”

Eng. Kayse, wuxuu intaas raaciyay  “Wershada Xooga Korontadu waa warshad soo jireen ah shacabka Axmed Dhagax aqbali maayo hantidii dadka ka dhaxaysay in dad gaar ah loo logo lana siiyo Xukuumaduna cid ay Rabto kula Shuraakowdo,lama yeeli Doono,Waxaanu u sheegaynaa nimankaas laga iibiyay inaanay ku soo haba Yaamin Wax umada ka dhaxeeya Lacagtoodana aanay galin Wax Hadhaw muran kai man Karo.

Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa shalay ka qayb galay munaasibad loo sameeyay baahinta in shirkado gaar ah lagu wareejiyay wershadii korontada Hargeysa. Waxaana lagu wareejiyay laba ka mid ah ganacsatada Somaliland, nin muwaadin ah iyo qayb loo reebay xukuumadda.