Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xisaab-xidhka Miisaaniyadda

0
512

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay xisaab xidhadii miisaaniyadda ee sannadkii 2008 ilaa 2013, waxaana ka dhex abuurmay xildhibaanada khilaaf, ka dib ansixintii xisaab xidhka.

 Kal-fadhigii Shalay ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay  Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa  waxa ka soo qeyb galay kal-fadhigan 59-xildhibaan, waxa markii la soo dhigay Golaha hortiisa xisaabka xidhka lixda sanno ah, ayaa buuq iyo doodi ka dhalatay, waxayna Xildhibaanada Mucaaradka ahi ku doodeen in madmadaw iyo musuq badani ku jiro, balse Xildhibaanada Muxaafadka ayaa  iyagu arintaas beeniyey, waxayna sheegeen inay waxba kama jiraan yihiin musuqaas ay sheegayaan Xildhibaanada Mucaaradka ahi, sidaas ayaana cod loogu qaaday, oo 59-xildhibaan ee kal-fadhigaas goob jooga ka ahaa ayaa 43 ogoladeen, halka 13 ka diideen, labana ka aamuseen, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada oo ah ku simaha Guddoomiyaha isna muu codeyn, sidaasna wuu ku ansaxay.

Hase yeeshe xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo ansixintaas kadib Shir jara’iid qabtay ayaa Xisaab xidhka Misaaniyadda muddada lixda sanno ah ee la hor keenay Golaha Wakiiilada in deg deg iyo kedis lagaga dhigay, isla markaana musuq iyo madmadaw badani ku jiro,

Guddoomiyaha Guddida dabagalka Musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Maxamed Cali Xirsi oo isagu shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa   sheegay inay tahay markii u horaysay ee 10 sanno oo goluhu jiray la keeno Xisaab xidh, haddana la majaro habaabiyay. waxa uu sheegay inaan madmadowga iyo khaladaadka xisaabeed ee ku jiray Xisaab xidhku ahayn mid aanay haboonayn in la ansixiyo, sifo sharciga ka baxsana aan loo ansixin, waxaanu yidhi “Xisaab xidhka macnihiisu waxa weeye, in Miisaaniyaddii Goluhu ansixiyay sanadkii hore sidii Loo Isticmaalay xeerkii ma loo raacay?, siday ahayd ma u soo baxday? su’aalahaas ayuu Xisaab xidhku ka jawaabayaa. Waa Qodob dastuuri ah oo Golaha u yaala inuu Goluhu ansixiyo ama wax ka bedelo ama uu diido. Waa markii u horeysay ee 10-kaas Sannadood ee goluhu jiray uu Qodobkaas dastuuriga ah u soo fadhiistay ee uu wax ka eegay, waligii Golaha Xisaab xidh lama keeni jirin ee Guddidan ayaa keentay oo ka soo shaqaysay in Goluhu eego siday u eegtahay Xisaab xidhkani” Ayuu yidhi Xildhibaan Obama

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Waxa dhacday in Xildhibaano aan akhriyin la soo ururiyay oo la yidhi farta u taaga. waxaanu qabnaa inay arrintaasi tahay Inqilaab Xisaabeed oo meesha ka dhacay, waxaanu qabnaa inaanu haba yaraatee Goluhu ku shaqayn karin shaqada noocan ah, waxaanu qabnaa in eedaha ugu waaweyn ee Golaha saarani tahay waxyaabaha noocaas ah.

Dhinaca kale waxa isna ansixinta Xisaabka xidhka Misaaniyada lixda sanno cadaalad daro iyo sharci jabin ku tilmaamay XIldhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaanu sheegay in XIsaab xidhyadan uu musuq iyo hanta boob ku jiro.